Laandheere ayaanu nahay, reer hebel inagaa ka badan, iyo iskala qaybis iyaga dhexdooda ah ayay Soomaali ku caan baxday. Balse, laandheere-nimadaas xagee bay geeyn kartaa markii loo bar bardhigo qowmiyadaha asaagooda ah ee ku nool qaarada Afrika.

Guud ahaan, Afrika waxaa ku nool dad ka badan 1 bilyan iyo 216 malyan oo qofood. Waxay u kala baxaan qowmiyado, kadibna qabiillo ilaa iyo heerarka ugu hooseeya, waa meesha ay Soomaalidu isla tagto oo reeraha ka wada tirsadaan.

Halkan waxaad ka arki kartaa kaalinta Soomaalida ay qowmiyad ahaan ka gali karaan Afrika. Waxaan idiin tusinaynaa Laandheer-nimadu inaysan Soomaali keligeed lahayn balse wax badan lala qaybsan karo, oo xittaa laga badin karo.

Qabiil Soomaalida dhexdeeda ayaa laga yaqaanaa, markii banaanka la isugu baxo, Soomaalida dhan waxay noqonayaan qowmiyad dagta geeska Afrika. Howshu waxay ka tagaysaa in waddan waddan la isu qaybiyo. Soomaali ahaan ayaa lagu tartamayaa, meeshaad rabto ka daganaaw geeska Afrika.

1- Hausa – 78 Malyan – Nigeria

Qowmiyada lagu magacaabo Hausa ayaa ah tan ugu ballaaran, hogaankana u haysa laandheere-nimada. Waxaa lagu qayaasaa in ay tiro ahaan gaarayaan 78 malyan oo qofood. Waxay dagaan wadama badan oo galbeedka Afrika ku yaalla. Intooda ugu badan waxay ku nool yihiin Nigeria. Waxay kaloo dagaa Benin, Niger, Ivory Coast, Chad, Ghana, Togo, Burkina Faso, Sudan iyo Algeria. Waxay sidoo kale ku hadlaan luqad gaar u ah oo iyadana wadata magaca qowmiyada oo ah Hausa.

2- Igbo – 45 Malyan – Nigeria

Kaalinta labaad waxaa ku jirta Qowmiyada Igbo oo iyaguna dagaan wadanka Nigeria. Waxaa lagu qayaasaa in ay tiro ahaan gaarayaan 45 malyan oo qofood. Badankooda waxay dagan yihiin Nigeria iyo in yar oo dagan waddanka Guinea. Waxay sidoo kale leeyihiin luqad u gaar ah oo la dhoho luqada Igbo.

3- Yoruba – 47 Malyan – Nigeria

Markan waxaa iska cad in Nigeria ay tahay Laandheer banaan dagay oo waxay dusha saaratay saddexda qowmiyadood ee Afrika ugu ballaaran uguna dadka badan. Yoruba ayaa kaalinta saddexaad ku jirta waxayna sidoo kale leeyihiin luqad u gaar ah oo la yiraahdo Yoruba.

4- Oromo – 40 +  Malyan – Ethiopia

Oromada ayaa ku jirta lambarka afaraad Soomaalidana waa ay ka dheragsan yihiin ballaarnida ay qowmiyadan leedahay. Sidaa darteed faahfaahin baddan uma baahna, dabcan waxay ku hadlaan luqada Oromo oo wax badan afka Soomaaliga u dhow.

5- Amazigh – 40 Malyan – Morooko, Algeria.

Amazigh waxay ku nool yihiin waddanka Morooko iyo dhowr waddan oo ku yaalla waqooyiga Afrika. Waxaa ka mid ah, Algeria, Tunisia, Libya, Egypt, Mali, Mauritania iyo Niger. Waxay ku hadlaan luqadda Amazigh oo ay gaar u leeyihiin iyo Carabiga.

6- Fulani – 35 Malyan

Fulani waxay ku nool yihiin ama laga helaa waddamada galbeedka dhaca ee qaarada Afrika. Nigeria, Mali, Guinea, Cameroon, Senegal iyo Chad. Waxay ku hadlaan luqad gooni u ah oo la yiraahdo Fula.

7- Amhara – 20.2 Malyan – Ethiopia

Qowmiyada Amxaarada ee Itoobiya ayaa ku jirta lambarka toddobaad ee qowmiyadaha ugu badan Afrika. Sharraxaad badan uma baahna maadaam aynu daris nahay, Soomaalidana wax badan ka taqaano.

8- Akan – 20 Malyan

Waxay dagaan waddamada Ghana iyo Ivory Coast, waxaana lagu qayaasaa in ay ilaa iyo 20 Malyan gaarayaan.

9- Soomaali 20 Malyan – Somalia, Djibouti, Ethiopia, Kenya.

Waxaan soo galnay kaalinta sagaalaad ee qowmiyadaha ugu badan Afrika. Arrintan ayaa ah mid aad u weyn maadaama qaarad dadkeedu 1 bilyan ka badan yihiin ayaan ka mid nahay 10 ka qowmiyadood ee ugu dadka badan.

Tani waxay ku tusinaysaa in Soomaalida ay si dhab u yihiin Laandheere banaan dagay oo cidi la hadli kartaana jirin. Tani macaankeedase mahayno oo qabiil iyo reera hoose baan isula dagnay. Awoodda Soomaalinimo nooma muuqato, wax walba aan qabsan lahayn ma qabsan karno inta aan Soomaalinimada aysan inoo muuqanin.

10- Hutu – 18 Malyan – Rwanda, Burundi.

Hutu waxay ku nool yihiin laba waddan oo kala ah Rwanda iyo Burundi. Hutu ayaa ku caan baxay taariikh madoow oo ay ka gaysteen waddanka Rwanda.

 

You may also like

Leave a Reply

More in Hab-nololeed