Ma dareemaysaa firfircooni la’aan ama yari? Mise waxaad dareemaysaa caajis iyo howl nacayb kusoo wajahay maalmahan, usbuucyadii lasoo dhaafay ama bilahan ba? Ama xoogaa waad uun iska yara daalan tahay? Arrimahaas dhan waxaa uga kabsan kartaa in aad samaysid arrimahan soo socda si aad usoo ceshatid firfircoonidaada iyo kalsoonidaadaba.

1- Maalin walba joogteey wakhti aad guriga ka baxdid 

Waxaa lagaa rabaa in aad guriga ka baxdid subax walba oo waliba aad u goysid wakhti aad mar waliba kasoo baxdid guriga. Wakhtiga ugu fiican waa subixii hore in aad isku aadisid qorrax soo baxa. Cadceeda subixi ayaa kusiinaysa tamar fiican waxayna kaa yaraynaysaa hurdo la’aanta. (Dadka cadceeda subixii hela ayaa la sheegay in ay habeenkii hurdo fiican helaan)

Waxaa sii fiican in aad aadid ama samaysid socod banaanka ah oo qaadan karo soddon daqiiqo ilaa halsaac. Socodkaas ayaa kuu noqonaya jimicsi uu jirkaaga u baahan yahay gaar ahaan maskaxda.

Markii aad samaysid socod dheer ama jimicsi, jirkaaga wuxuu soo daaynayaa hormoonka la yiraahdo endorphins oo qaabilsan in uu kaa baa bi’iyo walwalka iyo walaaca. Waxaadna dareemi doontaa farxad iyo firfircooni aad howlahaaga maalinkaas kuu yaalla aad ku qabsatid.

2- Sameey wax cusub 

Sababta ugu badan oo ay dadku u caajisaan ama ay uga yaraato firfircoonida iyo farxada ayaa ah in ay maalin walba ay u egtahay maalintii ka horeysay. Tusaale; Maalin walba waxaad aadaa shaqo, markaad ka imaatana wax walba aad samaysid waa wax aad maalin walba samaysid. Guriga ayaad timaadaa, waad qadaysaa, waad seexataa, galabtiina wax ka duwan maalintii lasoo dhaafay ma samaysid.

Si aad farxad ugu noolaato, maalin walba isku day in aad wax cusub samaysid ama wax ka duwan wixii shalay aad samaysay. Waxaad aadi kartaa meel cusub si aad ugu soo socoto, ama maqaayad cusub in aad kasoo cunteeyso ama kaffee aad kasoo cabtid. Ama aad qaraabo-salaan kala duduwan haddii aad wakhti u heli kartid.

Muhiimada waa in usbuuc siduu u dhan yahay uusan iskaga kaa ekaanin.

3- Ku dadaal muuqaaga in uu wanaagsanaado

Markii ay ciddiyuhu kugu baxaan, aad yaraysid qubayska, daryeelka timahaaga, labiskaaga iyo dhamaan howlaha khuseeya koolkoolinta ama baxnaaninta naftaada. Maskaxdaada ayaa waxaad u sheegeysaa in aad joojisay daryeelka naftaada sidaasna waxaad ku noqonaysaa qof aan nolosha uu haysto ku faraxsanayn.

Sidaa darteed, aad ugu dadaal in aad naftaada daryeeshid si aad u heshid farxad iyo firfircooni.

4-Mudnaanta koowaad sii caafimaadkaaga

Caafimaadka waa sheeyga ugu muhiim oo qofka bani’aadamka haysto, haddii uu khal khal kaa galo, noloshaada waa ay adkaanaysaa.

Tusaale; Haddii aad hurdo fiican qaadatid oo aad seexatid ugu yaraan 8 saacadood, waxaa kuu badanaaya enerjiga ama tamarta jirkaaga uu helo. Haddii aad jimicsi joogteysid, jirkaaga wuxuu yeelanayaa awood uu shaqo badan ku qabto. Haddii aad cabtid biyo badan maalin walba, maskaxdaada aad bay u furfurmaysaa.

Howlaha caafimaad ee jirkaaga u baahan yahay dib ha u dhiganin sida; Ilkaha oo aad u baahan tahay in aad iska samaysid, miisaanka oo aad u baahan tahay in aad iska dhintid. Sonkorta haddii aad wax badan isticmaashid hadda bilaaw in aad iska yaraysid, ha isku halaynin da’da aad jirtid oo ha is dhihin waa yar tahay.

Mudnaanta waa in aad siisaa caafimaadkaaga, ha dhayalsanin wax walba oo dhib soke ama dambe caafimaadkaaga u keeni kara.

 

You may also like

Leave a Reply

More in Hab-nololeed