5 Sabab ee ay dumarku u diidaan ragga
Raggu waa dumar jecel yihiin oo doodi kama taagna, balse waxaa badanaa dhacda rag badan in ay heli waayaan dumarka middii ay ka doorteen sababo kala duwan awgeed. Balse, waxaa jira sababaha qaar ee haddii ay ragga iska dhaafaan ay suurto gal tahay in ay kasoo gudbaan qaar ka mid ah caqabadaha ka hor istaaga in ay xiriir la samaystaan dumarka tii ay ka doorteen.
Sababaha ay dumarku ku diidaan ragga qaar ayaa isku wada mid ahayn, dumarkana sidoo kale waa ay ku kala duwan yihiin sababahan oo isku si uma wada arkaan. Sidaa darteed, haka nixin dhammaan sababahan, maxaa yeelay, waxaa suurto gal ah in qofta aad doonnaysid aysan muhiimad gaar ah wada siinin. Niyadda dagso!
Wicitaanka
Ragga qaar ayaa aad u badiya wicitaanka iyo fariimaha qoraallada markii ay bartaan qof dumar ah oo aad usoo jiidatay. Samaynta arrimahan ayaa dib u dhac ku keeni karta barashada qofka cusub ee aad doonneysid in aad xiriir wadaagtaan. Dumarka ayaan ka helin ragga sidaas ugu badbata, marka saxiboow waa in aad xoogahaa saliida gaariga ka yaraysid si fursadahaaga ay kor ugu kacaan. Adiga oo xushmeeynaya qoftan aad baratay, haddana ha iska dhigin nin aan iimaan lahayn.
Dareenka
Waxay wakhti hore la wadaagaan dareenkooda iyada oon si fiican la isku baranin. Dumarka waxay jecel yihiin in ay wakhti la qaataan qofka ay is bartaan, waxay qiimo siiyaan barashada qofka inta aan la isla gaarin xiriir jacayl oo si rasmi ah loo bilaabo. Sidaa darteed, ragga waxaa u wanaagsan in aysan ku deg degin la wadaagidda dareenkooda dhabta ah. Laba berri ka dib ma dhihi kartid, huuno waan ku jecelahay, wakhtigaaga qaado. Xittaa haddii ay dhab kaa tahay oo aad jeceshahay, isku day in aad wakhti siisid.
Si fudud ayaa lagu qaataa
Dumarku waxay jecel yihiin nin xoogaa ay adag tahay sidii lagu heli lahaa. Haddii ay aad u fududahay ninka ay rabto in ay hesho, waxaa ka dhamaanaya xiisaha ay lahayd in ay ku guuleysato qalbigiisa. Waxay halkaas ka qiyaasanaysaa, haddiiba sidan fudud ay iyadu ku heshay, in si la mid ah ay dumarka kalana ku heli karaan. Raggoow marka ogaadaa, yaanan si fudud laguu qaadanin.
Kalsooni darrada
Dumarka waxay aad u qiimeeyaan ragga kalsoonida iyo degganaanta ka muuqata. Ragga markii ay muujiyaan kalsooni, waxay saamayn ku yeelataa dumarka ay la nool yihiin kuwaas oo dareema xasillooni. Balse, haddii ay kaa dareento in aadan xasilnayn, ama aadan isku kalsoonayn, waxaa u caddaanaysa in aysan nafsaddeeda kugu aamini karin.
Saaxiibtinimada
Ragga qaar ayaa markii ay jacaylkooda u sheegtaan qoftii riyadooda ahayd la kulma diidmo dadban, waxaana ay helaan jawaab sidan ah; Waan ka xumahay jacayl nama dhex mari karo, sababta oo ah, waxaan kuu arkaa sida qof walaalkay ah, waxaan jeclahay in aan ahaanno saaxiibbo, fadlan taas iga aqbal. Tani waxaa luqadda ingiriiska lagu dhahaa “Friend Zone” Micnaha, waxaa faarax la geliyay zoonka saaxiibtinimada ah isaga oo islahaa bal meeshan ka dalac.
Waxaa suurto gal ah in ay qoftaa dumarka ahi ay tijaabinaysay faarax, waxayna rabtay in ay aragto haddii uu si dhab ah u rabo iyo in kale. Haddii faarax iska aqbalo saaxiibtinimada in uu iska haysto, qoftaas saaxiib lama sii ahaanayso, sidaas ayayna gebi ahaan faarax nolosheeda kaga saaraysaa.
Haddii aad ka heshay maqaalkan, fadlan la wadaag asxaabtaada, gaar ahaan dhowrka faarax ee aad taqaanid si ay u badbaadsadaan xiriirada mustaqbalka ay doonni doonaan.