5 Talo oo Kugu Guulaynaysa Waraysiga Shaqooyinka Teknolojiyada (Tech Job Interviews)
Teknolojiyada ayaa noqotay furaha nolosha casriga ah oo waxay inoo fududaysaa wax walba oon u baahan nahay. Teknolojiyada ayaa sahashay in adduunka isku furmo, dadka adduunka ay isku xirmaan iyagoo aad u kala fog. Mustaqbalkan aan hadda haysano ama aan filanayno in aan gaarno waxaa qayb wayn ka ah ama inoo fududeyn doonna Teknolojiyada.
Sidoo kale, shaqooyinka ugu muhiimsan waxay ku xeeran yihiin Teknolojiyada, shaqooyinka ugu lacagta badan waxay hoos tagaan shirkadaha Teknolojiyada. Dhalinyarada mustaqbalka dhaw iyo kan dambaba waxay badankooda u shaqayn doonaan shirkadaha Teknolojiyada.
Halkan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa talooyin ku saabsan qaabka aad ugu guulaysan lahayd waraysiyada shaqo ee shirkadaha Teknolojiyada.
1- Sameey baaritaan oo barro shirkadda
- Waxaa lagaa rabaa in aad si fiican usii baratid shirkada aad ka dalbatay shaqada ka hor inta aadan gelin waraysiga shaqada. Waa in aad wax walbo ay qabatay, taariikhda shirkada, waxyaalaha ay awoodda ku leedahay iyo dhamaan macluumaadka ugu muhiimsan in aad si fiican u sii ogaatid. Tan waxay kuu sahlaysaa in aad ka jawaabtid su’aalaha qaar kood oo ku saabsan shaqada aad dalbanaysid. Sida, su’aalaha ay rabaan in ay wax kaga ogaadaan waxa aad kusoo kordhinaysid kambaniga.
2- Si fiican u diyaar garoow
- Waxaa lagaa rabaa in aad muujisid in aad si fiican isugu soo diyaarisay waraysigan. Waxaad ku muujin kartaa in aad si fiican ugu soo diyaar garoowday waraysiga, in aad la timaadid su’aallo gaar kuu ah ood rabtid inaad wax kaga ogaatid kambaniga aad rabtid in aad ku biirtid. Sida aan ku sheegnay qaybta koowaad, baaritaanka aad ku samaysay kambaniga ayaa kuu sahlaya in aad kala soo baxdid su’aallo ku aadan shaqada.
3- Isku kalsoonow
- Kalsoonida waa waxa ugu muhiimsan oo tusinaysa dadka ku waraysanaya in aad isku kalsoon tahay, in aad isku filan tahay ood kasoo bixi kartid shaqadaada. Kalsoonidaada waxay kalsooni galinaysaa dadka ku waraysanaya oo metelaya kambaniga aad shaqada ka doonaysid in ay kugu aamini karaan shaqada, sidaas darteedna waa in aad muujisid in aad tahay qof isku kalsoon oo kasoo bixi kara shaqada loo dhiibto.
4- Si fiican u dhegeyso su’aalaha
- Dhagahaaga waa in ay si fiican u furan yihiin markii lagu waraysanayo, su’aasha lagu weydiiya haddii ay ku garab marto waxaa adkaanayso in aad si toos ah uga jawaabtid. Aad iskaga hubi in aad maqashid, fahantid su’aasha, kadibna aad si toos ah uga jawaabtid. Jawaabahaaga yeeysan noqonin kuwa aan toos ahayn oo meela kale soo mar mara, waa in ay ahaadaan kuwa aad ugu cabiran waxa lagu weydiiyay.
5- Fariinta waraysiga kadib
- Dhowr saacadood waraysiga kadib u dir fariin mahadnaq ah ood ku muujinaysid in aad ka heshay qaabka ay kuula dhaqmeen iyo sida ay kuu soo dhaweeyeen. Tani waxay kugu caawinaysaa in aad markale soo xasuusisid wixii idin dhex maray qofkii ku waraysanayay. Waxay sidoo kale calaamad u noqonaysaa in aad tahay qof diyaar u ah booska banaan, si aad ahna u danaynaysid in aad ka mid noqoto shaqaalaha kambaniga.
Haddii aad fulisid ama aad ku dhaqantid talooyinka aan kor kusoo xusnay, waxaa kordhaya fursadaada ah in laguu qaato shaqada aad dalbatay.
Haddii aad ka heshay talooyinka, fadlan la wadaag asxaabtaada si ay iyaguna uga faaiidaystaan talooyinkan.