5 Xaqiiq ka ogoow aasaasihi Bitcoin
Saddex iyo toban sano kahor, shaqsi ama koox isticmaalaya magaca Satoshi Nakamoto ayaa waxay sii daayeen warqad sharraxaysa nidaam cusub ay ku magacaabeen bitcoin. Maanta bitcoin qiimaheeda wuxuu ka sareeyaa 1 trilyan oo dollar. Nidaamkan ayaa bilaabay isbeddel casri ah oo taariikh-yahanada qaar aaminsan yihiin in uu bedeli doono qaabka uu dhaqaalaha adduunka u shaqeeyo.
Laakiin su’aasha aan wali laga jawaabin ayaa ah waa kuma qofka abuuray bitcoin oo ilaa iyo hadda aan la ogeen ama la garan karin. Qofkan ayaa isticmaalay xeelad qarsoodi ah, cid taqaanana ilaa hadda lama sheegin.
Halkan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa dhowr xaqiiq oo laga yaabo in aadan ogeen ama aadan ka fikirin jiritaankoodaba.
1- Waxaa laga yaaba in uusan hal qof ahayn balse ay koox yihiin
Inkastoo magaca Satoshi Nakamoto uu yahay Jabaan, haddana warqaddii ay soo saareen markii ay abuureen bitcoin waxay ku qornayd luuqada ingiriiska. Tani waxaa laga yaabaa shaki yar in ay geliso meesha uu qofkan kasoo jeedo iyo in uu magacan u isticmaalay raad tirasho.
Sidoo kale, hadalada warqadda ku qornaa ayaa Satoshi marna isku tilmaamayay shaqsi marna koox oo wuxuu isticmaalayay ereyga ”anaga”. Sidaas darteed, cidna ma sheegi karto in ay bitcoin koox ka dambayso ama qof.
2- Lacagta uu leeyahay Satoshi
Waxaa la aaminsan yahay in Satoshi uu haystay hal malyan oo bitcoin. Haddii loo fiiriyo qiimaha uu hadda joogo ayaa waxaa suurtogal ah in hantidiisa ay gaari karto ilaa iyo 38 Bilyan oo dollar-ka maraykanka ah. Balse, cid xaqiijin kartaa majirto.
3- Yuu noqon karaa Satoshi Nakamoto?
Wali waxaa taagan su’aashan, dad badan ayaa isku daya in ay ka jawaabaan. Kuwa badan ayaa aaminsan in ay kambaniyo ka dambeeyaan. Waxayna ku tiriyaan in magacaba uu ka yimid xarfaha kambaniya waawayn oo Jabaan ku yaalla. Sida, SAmsung, TOShiba, NAKAmichi, MOTOrola.
Dadka qaarna waxay aaminsan yihiin in uu ka dambeeyo nin la dhoho Nick Szabo oo ah Cryptographer (dadka qora luqada kumbuyutark – qaybta amaanka). Ninkan ayaa bitcoin ka hor soo bandhigay fikrad uu ugu magac daray Bit Gold oo ku aadanay abuurida lacaga internet-ka. Waxayna dad badan qabaan in ay sal dhig u ahayd nidaamka bitcoin oo muddo kadib si buuxda loo soo saaray. Nick Szabo ayaa iska fogeeyay inuu yahay Satoshi Nakamoto.
4- Muxuu Satoshi u tegey?
Khuburada kribto ayaa qaarkood aaminsan sababta uu isaga tegey in ay ahayd in uu ku caajisay amaba ka xiiso dhacay. Qaarna waxay qabaan xalinta qoraalka (coding) nidaamka ay howshiisa badatay sidaasna iskaga tagay. Halka qaarna ay aaminsan yihiin in uu wali joogo balse uu isticmaalo magac u qarsoon.
5-Fariintii ugu dambaysay ee Satoshi
Satoshi ayaa fariintii ugu dambaysay uu la wadaagay dadweynaha ayaa sida u dhignayd:
“Waxaan u wareegay wax-yaallo kale, Bitcoin waxaan uga tagayaa gacmo wanaagsan sida Gavin iyo dadka kale.”
Hadalkaas kadib, Satoshi dib dambe looma maqlin iskaba dhaaf in la arko.
Waxay ila tahay inuu ka mid yahay qofka ugu saamaynta badnaa adduunka tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxaana suurto gal ah inuu noqdo qofka ugu saamaynta badan qarniga kow-iyo-labaatanaad oo uu si toos u bedeli doono qaabka uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka.