Markale kusoo dhawoow Dadka Online

Maanta halkan waxaan idiin kugu haynaa dabeecadaha ama dhaqamada ilbaxnimada ah ee inta badani aysan cidna kuu sheegeeynin. Haddiise aad ku dhaqantid ay dadku dhibsadaan.

1- Wicitaanka badan ee taleefanka 

Hadii aysan jirin arrin deg deg ah, ha wicin oo ha ku cel celinin wicitaanka qofka aad rabtid. Ugu badnaan laba jeer ku celi, kadibna ka war sug goorta uu qofkaasi kugu soo war celin doonno. Waxaa jiri kara sababa badan oo uu qofku kaaga qaban waayay markii aad wacday. Waxaa lagaa rabaa in aad muujisid degenaansho iyo sabar, sidaasna waxaad ku mutaysanaysaa in lagu sharfo sidoo kale.

2- Deynta

Haddii aad qof ka deynsatid lacag oo wakhti aad celisidna aad isku af garateen, isku day in aad celisid wakhtigii balantu ahayd ka hor. Marka horena ha qaadanin lacag aadan dib wakhtigeeda ugu bixin karin.

3- Martiqaadka makhaayadaha/dukaamaysiga

Haddii uu qof kugu martiqaado makhaayad ama dukaamaysi, ha dalbanin cuntada ugu qaalisan ama alaabta ugu qaalisan ee taalla meesha aad tagteen. Dabcan, qofka ku martiqaaday kuma oran doonno waxani waa qaali, adiga ayaa lagaa rabaa in aad muujisid ilbaxnimo iyo wax fahan heer sarreeya.

Waxaa sidoo kale lagaa rabaa in adiga aad sidoo kale u martiqaadid qofka ku martiqaaday.

Haddiise ay dhacdo in aad meesha laguugu cassuumay aad ka faaiidaysatid, ogoow adigana maalinkaas ayaa kuugu dambeyn doonta in uu qofkaas meel kuu wato.

4- Shaqaalaha

Si wanaagsan ula dhaqan dadka shaqaalaha ah shaqo walba oo ay hayyaan ku xushmeey. Shaqaalaha waxay mar waliba mudan yihiin qadarin aad u sarreeysa maadaama ay qabtaan shaqooyin inoo sahla horumar weyn. Ha yasin, hana muujinin isla weyni.

Mar waliba weydii magacooda si aad u isticmaashid marka aad rabtid in aad u yeertid. Soomaalida waxay caan ku tahay qofka shaqada uu qabto in magac looga dhigo, waana arrin aan fiicnayn.

Ha iloobin in aad u mahad naqdid qof walba oo howl kuu qabtaa. Ha yaraato ama ha weynaato.

5- Sheekada ama hadal qof wato

Markii uu qof wato hadal ama sheeko, haka dhex galin, micnaha, haka kala jarin hadalka ee sug intii uu ka dhamaysanaayo. Xittaa haddii hadalkiinnu isku meel u socdo, sug, qofka ha dhammaysto kadib uun ka sheekeey dhinacaaga.

6- Foorjada ama kaftanka

Haddii aad saaxiibkaa ama saaxiibta aad foorjeeysid ama aad ku dhahdid hadal kaftan ah. Si gaar ah ugu fiirso waxa ay ka dhahaan ama ay sida ay uga fal-celiyaan adiga oo eegaya wajigooda. Waxaad ka garan kartaa in ay dhibsadeen iyo in kale. Haddii aysan ka helin ay dhibsadeen, ka jooji, dib dambanna ha keenin foorjada noocaas ah. Haddii ay ku qoslaan waa foorjo ama kaftan iska caadi ah, dhibna malahan. Balse, haddii aysan ku farxin, meeshaas adigana ku aas kaftanka noocaas ah.

7- Sirta

Haddii uu qof kuu sheeg arrin sir ah, waligaa ha sheegin, xittaa shaki haka galo qofkii kuu sheegay in aad ogtahay iyo in kale. Ha ahaato mid aad la aadi doontid aakhiro. Sidaas ha u adkaato in aad ilaalisid sirta lagugu qarsado.

8- Guulaha uu Alle ku siiyay qarso

Allah guulaha uu ku siiyay isaga keliya ugu mahadnaq. Ha ugu faanin dadka uusan siinin guulahaaga oo kale, haku faanin dadka hortooda, ha muujinin isla weyni. Sidoo kale, guullaha caruurtaada qari, haku faanin, ha uga sheekeenin dadka aan haysan caruur ama caruurtoodu aysan gaarin ama samaynin guulal nooc walbo ay ahaataba.

Dabcan ma rabtid in laguu arko qof mar walba dadka u faana, taasi waa lagugu dhibsan karaa dhibaatana way kasoo gaari kartaa caruurtaada.

Isha bani’aadamka waa ay kulushahay mana garan kartid ciddii ay kaaga imaan karto, sidaa darteed, arrimahaaga qarso, barakada Alle ka bari in uu kuu siyaadiyo.

Haddii aad ka heshay maqaalkan, la wadaag asxaabtaada. Mahadsanid.

You may also like

Leave a Reply

More in Hab-nololeed