Calaamadaha lagu garto qofka beenta sheegaya
Beenta iyo runta waa laba ficil oo ka mid ah hab nololeedka dadka bani’aadamka, balse mid waala jecelyahay midna waa la neceb yahay. Qof walba waa uu sheegaa been, ha yaraato ama ha weynaato, Muslim ha ahaado ama yuusan ahaanin, qofka ha sheego isaga oo og ama isaga oo aanan ogeyn. Waa xaqiiq aan laga baxsan karin, balse waxaa arrin cad ah in beenta aysan fiicnayn oo ay geysan karto dhibaato weyn. Beenta sida ay u kala weyn tahay ayay u kala dhibaato badan tahay, waxaase muhiim ah in aadan noqonin qofkii sheegay beenta geysatay dhibaatada. Sidoo kale, diinta Islaamka ayaa ku dhiiri gelisa dadka mu’miniinta ah in ay ka fogaadaan beenta.
Waxaan soo sheegnay in aan sinnaba looga baxsan doonin beenta, haddaba waxaa jira qaabab lagu ogaan karo qofka sheegaya beenta ama kaa qarinaaya arrin run ah. Waxaana ka mid ah calaamadahan hoos ku taxan.
Indhaha
Waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan laba qaab oo khuseeya dhaq-dhaqaaqa indhaha uu sameeyo qofka sheegaya beenta ama warka aan runta ahayn, ama isku dayaya in uu kaa qariyo arrin muhiim ah.
Qofka sheegaya beenta indhaha si toos ah isuguma dhufanaysaan oo wuxuu qofkaasi iska ilaalinayaa indhihiina oo si toos ah isu qabtaan marka uu hadal idin dhex marayo. Sababtu waxay tahay, wuxuu ka fikirayaa hadalada kasoo baxaya afkiisa maadaama uusan haynin hadal isku toosan.
Waxaa kaloo ay cilmi baareyaashu ogaadeen in dadka qaarkood oo beenta sheega in ay si toos ah indhaha ugu hayaan qofka ay beenta u sheegayaan, iyaga oo aan marnaba indhaha kaa wareejinaynin. Waxaa suurtogal ah in ay kuwan dambe ay si fiican u yaqaaniin sheegidda beenta.
Tilmaamta gacanta
Waxaa jira dad badan oo marka ay hadlayaan isla markaana isticmaala gacmahooda iyaga oo tilmaama waxyaalaha ay ka hadlayaan. Kuwa beenta sheegaya ayaa waxaa dhacda in ay isla heli waayaan hadalka iyo tilmaamta gacanta oo waxaa soo horreeya hadalka ka dib ayeey raaciyaan dhaq-dhaqaaqyada gacmaha. Marka, haddii aad aragtid qof hadalka afkiisa kasoo baxa iyo gacmaha oo isdhaafsan, waxaa suurtogal ah in uu sheegayo wax aan run ahayn.
Faruuryaha ama bishimaha
Waxaa sidoo kale lagu gartaa qofka beenta sheegayo faruuryaha ama bishimaha ayuu dib u laabtaa ama dib ugu laabaa ilkaha ilaa ayba qarsoomaan. Haddii aad aragtid qof bishimaha dib u ceshaday, indhahana meer meerinaaya iska ogoow waxay u badan tahay in uu kaa qarinaayo runta.
Ereyada ay ku cel celiyaan
Qofka beenta sheegaya ayaa isticmaala ereyada ay ka mid yihiin ”haddaan runta kuu sheego”, ”Daacadi waa saas iyo saas” iyo wixii la mid ah. Haddii aad aragtid qof ereyadaas ku bilaabaya warka uu kuu wado ama kuu sheegayo iska ogoow waxay u badan tahay in uu sheegayo wax runta ka fog ama aan ahayn sidii waxa ay u dheceen.
Dadka beenta sheega ayaa mararka qaarkood si lama filaan ah u sheega runta balse isla markiiba dib uga noqda waxa ka soo baxay afkooda. Tusaale: ”Xalay waxaan isla joognay faadumo” ….Maya maya, waxaan rabay inaan dhoho ”waxaan joogay gurigeena oo meelna maanan aadin”.
Cuncun
Qofka beenta sheegaya ayaa mararka qaar madaxa ama dhabarka ama meelaha kale ee jirka ka dareema cuncun si deg deg ah ugu biloowday. Waxaana ay ku mashquulaan in ay meelaha cuncunaya gacanta la raadsadaan inta ay kuu waramayaan.
Haddii aad heysid qaabab kale oo lagu ogaado dadka beenta sheega hoos noogu sheeg.
Waad ku mahadsan tahay in aad wada akhrisay maqaalkan.