Caruurtaada bar 6 arrimood oo aan iskuullada lagu dhigin
Waxaa jira arrimo badan oo nolosha ku saabsan kuwaas oo aan lagu dhigin iskuullada ay caruurta dhigtaan inta ay soo korayaan.
Arrimahan ayaa muhiim u ah hab nololeedka ay u hogaamin doonaan mustaqbalkooda. Arrimahan ayaa kala ah:
1- Lacagta
Caruurtaada bar lacagta, muhiimada ay leedahay, faaiidadeeda iyo sida loo xafido. Sida loo shaqeeyo lacagta iyo qaabka loo maamulo. Soomaalida ayaa caruurta siisa keliya lacagaha yar yar ee ay ku iibsadaan mac-macaanka.
Waxaa wanaagsan in aad caruurtaada u sharraxdid, fahansiisid qiimaha ay lacagta leedahay. Qaabka adag ee lagu shaqeeyo, sida ay nolosha muhiim ugu tahay.
Caruurtaada bar daynta, aaminaada la xiriirto lacagaha, lacagaha xaaraanta ah iyo kuwa xalaasha.
Adiga ayaa faaiido ka heli doona oo waxay kaa caawinaysaa in aysan noqonin kuwa ku ciyaara lacagta. Waxay sidoo kale iyaga ka caawinaysaa in ay si wanaagsan u maamushaan lacag kasta oo ay helaan.
2- Xiriirka
Caruurtaada bar waxa uu yahay xiriirka iyo noocyadiisa kala duwan iyo saamaynta ay qofka noloshiisa ku yeelan karaan. Bar caruurtaada xiriirka koowaad waa kan ay la leeyihiin Alle. Kuwa kuxigana waa xiriirada ay leeyihiin waalid walaal iyo qaraabo.
Xiriirada intaas raaca ayaa marba nooc ah, wajiya kala duwanna leh. Xiriirka wanaagsan ee la la yeesho saaxiibada waa midka faaiidada u leh labada dhinac. Bar caruurtaada xiriirada xun xun iyo qaabka ay iskaga ilaalin karaan. Bar caruurtaada sidii ay u kala saari lahaayeen saaxiibada xun xun iyo kuwa fiican oo ku haboon in ay xiriir la sameeyaan.
Xiriirka lamaanaha ayaa ah midka ugu muhiimsan. Bar caruurtaada in ay aad uga feejignaadaa in ay sameeyaan xiriir lamaane oo ka hor imaanaya diinta islaamka. Aqoonta xiriirka wanaagsan ayaa wuxuu u sahli doonaa in ay baaritaan ku sameeyaan qofka ay rabaan in ay la wadaagaan guur mustaqbal leh.
3- Sirta iyo Khiyaanada dadka
Caruurtaada sanado gaaban kadib waxay ku biiri doonaan ama la dhaqmi doonaan bulsho weynta ay la nool yihiin. Waxaana ka mid ah dadkaas, kuwa khiyaano badan oo dantooda keliya fiirsada.
Sidaa darteed, waa inaa bartid caruurtaada in ay jiraan dad naftooda keliya ka fakara oo ay suurto gal tahay in ay khiyaano sameeyaan si ay danahooda u fushadaan.
4- Dulqaadka iyo Fulaynimada
Bar caruurtaada waxa ay ku kala duwan yihiin dulqaadka iyo fulaynimada. Arrimaha ay u dulqaadan karaan iyo kuwa mudan in ay ka hadlaan ama ay u dagaalamaan. Tani waxay ka badbaadinaysaa in marar ka qaar dulqaadkoodu u muuqdo fulaynimo, sidaasna ay dhibaato dhinaca maskaxda ay kusoo gaarto.
5- Caawinaada
Bar caruurtaada goorta ay haboon tahay in ay weydiistaan caawinaad iyo goorta aysan haboonayn. Sidoo kale, bar caruurtaada dadka ay weydiisan karaan caawinaada, iyo nooca caawinaada ay weydiisan karaan.
Bar caruurtaada in ay muhiim tahay in ay isku filnaadaan, caawinaadna ay noqoto waxa ugu dambeeya ay bani’aadam weydiiyaan. Tani waxay mustaqbalka ka caawinaysaa in ay noqdaan dad ad adag oo isku filan.
6- Aamusnaanta/hadal yari
Soomaalida waxay dhahdaa af gaabani waa dahab, sidaa darteed waxaa muhiimsan caruurtaada in ay noqonin kuwa war badan oo hadalkoodu qiyaasnayn. Dadka caqliga u saaxiibka ah ayaa ah kuwa hadalkoodu yar yahay, markii ay hadlaanna waa la dhegeytaa hadalkooda.
Bar caruurtaada qaabka loo hadlo iyo codka la isticmaalo. Soomaalida ayaa meelo badan oo adduunka ka mid ah lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa cod dheer oo qaylo badan. Ku dadaal in caruurtaada aysan noqonin kuwa buuqooda laga sheegto.