Goerge Stinney Jr wuxuu ahaa qofkii ugu yaraa ee dil lagu xukumay wadanka maraykanka sanadka markuu ahaa 1944. Wuxuu ahaa cunug Afrikaan ah, da’diisuna ahayd 14 jir markii la dilayay, waxayna u isticmaaleen kursi koronto ku samaysan.

70 sano kadib ayaa waxaa dambi ku waayay xaakim fadhiya gobolka south carolina ee wadanka maraykanka. Waxaa soo baxday in ay askartii shaqaynaysay ay dambiga qoorta u sureen cunugan iyagoo raadinayay qof ay dusha ka saaraan dambi dil ahaa.

Intii ay maxkamadayntiisa socotay, mar waliba wuxuu cadaynayay in uusan geysanin dambigaas, wuxuuna ahaa nin diin leh oo mar waliba kitaabka diintiisa gacanta ku haystay.

Waxaa loo haystay in uu dilay laba gabdhood oo cadaan ah, kuwaas oo meydkooda laga helay meel u dhawayd gurigii ay ku noolaayeen isaga iyo waalidkiis.

Maxkamadayntiisa iyo dambiga dusha laga saaray ayaa aad u muujinaysa in ay salka ku haysay isir nacayb loo qabay dadka madowga aha ama Afrika kasoo jeedaa ee wadanka maraykanka.

Waxaa cajiib ah in maxkamadaynta George ay socotay laba maalmood keliya, dadkii qaybta ka ahaa xeerbeegtida ay dhamaan ahaayeen caddaan, xukunkana lagu riday muddo 10 daqiiqo gudaheed.

Waxaa loo diiday waalidkiisa in ay kasoo qayb galaan maxkamadayntiisa, waa loo hanjabay, waxaana laga musaafuriyay magaaladii ay daganaayeen oo wiilkooda lagu dilay.

Maxkamadaynta xaqa ah ayaa qaadato muddo aad uga dheer tan George lagu qaaday, waxaana iska cad in aysan wax cadaalad ah meesha lagu haynin.

Intaanan la dilin waxaa xabsi lagu haayay 81 maalmood oo uusan arkin waalidkiisa iyo wax garyaqaan ah oo u dooda. Waxa lagu dilay koronto awoodeeeda ka badnayd 5,000 volts oo ku rakibnayd koofiyad madaxa loo galiyay. Cadaalad darrada intaas la’eg waa mid aad looga calool xumaado, cadaalad daradaas oo ilaa hada u muuqata in ay la daalaa dhacaan dadka madawga ah ama Afrikaanka ah ee ku nool waddanka maraykanka.

Booliska maraykanka ayay taariikhda qoraysaa in ay marar badan dambiyo aysan lahayn dusha u saareen dhaliyaro Afrikaan ah ee ku noolaa wadankaaas. Waxaa loo haystaa in ay ku shaqeeyaan isir nacayb ba’an, mar walibana aanan lagu guulaysanin in maxkamad lasoo taago askarta geysata dhibaatooyinka kadhanka ah dadka madowga.

Waxaa xusid mudan in isir nacaybka uu wax walba salka ku hayo. Askarigii Soomaaliga ahaa ee ka tirsanaa booliska Minneapolis ee sida kama’da ahayd gacantiisa ay ugu baxday haweeneydii Usturaaliyaanka ahayd ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee loo xukumo dil uu geystay.

Waxaan wada ognahay in ay jiraan askar sidaas ama si ka duwan ba ay gacantooda ugu baxaan dad shacab ah balse xukunkooda badanaa la khafiifiyo, balse Askariga Soomaaliga ayaa nasiib u yeelanin inuu helo cadaalada noocaas ah. Sababtuna waxaan ku qiyaasi karnaa in ay ahayd inuu yahay nin madow ah.

Maxamad Nuur ayaa dhowaan laga soo daayay xabsigii maadaama uu wanaag muujiyay intuu uu xirnaa. Waxaa jira sharci dhigaya in qofka lasii deeyn karo hadii uu xirnaado laba ka mid ah saddex meelood inta loo jaray xabsiga, qaybta hartayna uu banaanka ku dhamaysan karo isagoo si hoose ah ay dowladu ula socoto. Maxamad Nuur ayaa fursadan ka faaiidaystay, wuxuuna dib u helay xorriyadiisa kadib saddex sano oo uu xirnaa.

 

 

You may also like

Leave a Reply