Photo: Dr Donna Kean

Cinwaanka sheekadan markaad aragtay waxaa laga yaabaa in aad is tiri, Ma Doolli baa wax tari kara bani’aadamka? Waa su’aal rasmi ah, maadaama doolligu uu aad u sumcad xun yahay. Wixii xun ba waxaa keena doolli, wuxuu sidaa wasakh iyo cuduro, wuxuuna halleeyaa raashinka, saxaradiisa ayaana meel walba taalla. Reer kasta uu ka ag-dhaw yahay na waa ay la dagaalsan yihiin.

Eedeymahaas dhan doolli waa qabyaa, dabcan dhamaanna wuu u qalmaa haddii loo eego ficilada uu ka geysto guryaha Soomaalida iyo ajaaniibtaba.

Faaiidooyinka Doolliga

Takhaatiirtu waxay u isticmaalaan doolligu tijaabooyinka dawooyinka iyo qalabka caafimaadka inta aan bani’aadamka loo isticmaalin. Sababtuna waxay tahay in doolligu uu aad ugu dhawyahay bani’aadamka qaabka ay xubnihiisa u samaysan iyo sida ay u shaqeeyaan. Xitaa dabeecadaha qaar wuxuu u dhow yahay bani’aadamka.

Photo: APOPO / SWNS

Tababar ka doolliga ee goobidda iyo badbaadinta

Mashruucan lagu tababarayo doolligu waxaa ka shaqaysa Dr Donna oo la shaqaysa hay’ada barnaamajkan howl galisay oo ka dhisan wadanka Tanzania. Mashruucan waxaa loogu magac daray Hero Rats (Geesiyaasha Doolliga)

Qaabka goobitaanka/raadinta ee doolligu samaynayo

Alle wuxuu doolligu ku manaystay dareenka sanka oo aad u awood badan, taasna waxaa u raacsan jir aad u yar oo meel celin kartaba aysan jirin. Sidaa darteed, Cilmi baareyaasha ayaa aaminsan in doolligu uu kaalin weyn ka qaadan karo badbaadinta dadka xilliyada ay masiibooyinka dhacaan.

Waxaa loo tababaray in ay baadi goobaan noocyo urta bani’aadamka lagu garto ka mid ah, markii ay soo helaanna waxaa abaalgud loo siiyaa cunnooyin ka ay jecel yihiin.

Waxaa loo xiraa jaakad yar oo jirkooda la’eg, kaas oo ku rakiban yihiin qalab radio ah oo maqal iyo muuqaal leh kaas oo u sahli doonno shaqaalaha badbaadinta in ay la hadlaan dhibanayaasha ku sugan meelaha khatarta ah.

Sidee ugu fududahay doolliga inuu qabto shaqadan?

Doolliga ayaa waxaa u sahlan in isaga oo isticmaalaya dareenkiisa sanka ah in uu raadiyo, soona helo dadka meelaha halista ah ku xayirma. Sida guryaha duma xilliyada dhul gariirka ama fatahaadaha.

Doolligu waxaa lagu eedeeyaa in ay yihiin xayawaan wasakh badan, arintan waxaa beenisay Dr Donna oo sheegtay in aysan waxba ka jirin. Waxay sidoo kale sheegtay in ay la mid yihiin xayawaanada guryaha lagu haysto, waa bulshaawi, dadkuna way la saaxiibaan.

Dr Donna ayaa aad ugu rajo weyn in shaqadan ay miro dhal fiican samayn doonto. Waxay ku kalsoon tahay tabarta ay u leeyihiin in ay shaqada goobintaanka iyo badbaadinta dadka ay si fiican uga soo bixi karaan.

Dr Donna ayaa tiri ”Eeyahaba tababaradan way sameeyaan wayna kasoo baxaan shaqooyinka noocan ah, balse faaiidada ay doolligu qabaan ayaa ah in ay aad uga yar yar yihiin eeyaha, waxayna geli karaan meelaha eeyaha ay ku adag tahay in ay wax ka soo baaraan.”

Waxay sidoo kale ku amaantay doolligu in uu aad u degdegsiinyo badan yahay, sidoo kale awood u leeyahay in uu xaalado kala duwan ka gudbo si uu u gaaro meeshii uu u socday.

Tababarkan ayaa wali socda, balse waxaa ay ka balansan yihiin markii ay dhamaystaan wadanka Turkiga. Halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabi doonaan tijaabooyin si loogu sii diyaariyo shaqo rasmi ah.

Turkiga ayaa ka mid ah wadamada uu dhul gariirku haleelo, sidaa darteed wax walba oo ka caawin kara badbaadinta shacabka waa ay soo dhaweeynayaan xitaa haduu noqdo doolli.

 

You may also like

Leave a Reply