Hordhac


Teknoolojiyada casriga ah waxay keentay fursado dhaqaale oo badan oo caalamka oo dhan ka faa’iiday. Soomaaliya oo ah dal leh bulsho hal-abuur badan, ganacsato firfircoon, iyo dhalinyaro leh awood waxbarasho, waxay ka faa’iidaysan kartaa tiknoolojiyadda si ay u horumariso dhaqaalaha, u kobciso ganacsiga, si ay abuuraan fursado shaqo oo cusub.

Maqaalkan, waxaan ku sharxi doonnaa sida ay teknoolojiyadda casriga ah uga caawin karto bulshada Soomaaliyeed in ay gaaraan horumar dhaqaale.

1. Ganacsiga Online-ka ah (E-Commerce)

Teknoolojiyadda waxay u sahashay ganacsatada in ay badeecaddooda iyo adeegyadooda ka iibin karaan dad ka fog deegaankooda.

Tusaale; Ganacsatada yar-yar waxay isticmaali karaan baraha bulshada sida Facebook iyo Instagram si ay u soo bandhigaan badeecadahooda.

Faaiidada ayaa ah in helaan macaamiil badan oo ku nool magaalooyinka kale ama dibadda. Waxaa sidoo kale meesha ka baxaysa kharashkii ku bixi lahaa furitaanka dukaan.

Talo: Haddii aad tahay ganacsade, ku bilow furashada akoon ganacsi (Social Media) oo aad ku xayaysiiso alaabtaada internet-ka.

2. Baraha Bulshada oo Loo Adeegsado Suuq-geynta

Baraha bulshada ayaa muhiim u ah suuq-geynta ganacsiyada maanta.

Facebook, WhatsApp, iyo TikTok: Waxaa loo isticmaali karaa xayeysiinta badeecadaha, wadaagista qiimayaasha, iyo in la abuuro xiriir macaamiisha.

Tusaale: Haddii aad leedahay maqaaxi, waxaad baraha bulshada ku soo bandhigi kartaa cuntooyinkaaga iyo qiimaha cunnada kala duwan si aad u soo jiidato macaamiil cusub.

Faa’iidada: Waa hab raqiis ah oo aad ku gaari karto dad badan oo kala duwan.

3. Shaqooyinka Farsamada Fog (Remote Work)

Teknoolojiyadda waxay abuurtaa fursado shaqo oo fog, halkaas oo qofku ka shaqayn karo meel kasta oo dunida ah.

Tusaale: Soomaalida aqoonta u leh luuqadaha, barnaamijyada kombiyuutarka, iyo naqshadaynta garaafyada (Graphic Design) waxay ka shaqayn karaan shirkado caalami ah iyadoo loo marayo bogagga shaqooyinka sida Upwork ama Fiverr.

Faa’iidada: Looma baahna xafiis weyn; qof walba wuxuu ka shaqayn karaa gurigiisa isagoo adeegsanaya internet-ka.

Talo: Ku bilow inaad barato xirfado cusub sida qorista, naqshadeynta garaafyada, iyo barnaamijyada kombiyuutarka.

4. Kobcinta Ganacsiga Beeralayda iyo Xoolo-dhaqatada

Teknoolojiyadda casriga ah ayaa ah aalad muhiim ah oo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada ka caawin karta inay kordhiyaan wax-soosaarkooda.

Mobile Apps: Waxaa jira barnaamijyo lagu ogaado xaaladaha cimilada, qiimaha suuqyada, iyo hababka wanaagsan ee beerashada iyo xanaanada xoolaha.

Tusaale: Beeralayda waxay isticmaali karaan aaladaha tiknoolojiyadda si ay ula socdaan roobka iyo daryeelka dhulka.

Faa’iidada: Waxay kordhin kartaa dakhligooda iyadoo laga hortagayo khasaaraha cimiladu ay keeni karaan.

5. Horumarinta Adeegyada Lacagaha Mobilka (Mobile Money)

Adeegyada lacagaha mobilka sida Zaad iyo EVC Plus waxay beddeleen habka ganacsiga Soomaaliya.

Faa’iidada: Waxay fududeeyaan lacag dirista, bixinta mushaharka shaqaalaha, iyo helitaanka deyn si dhaqso ah (Qaab sharciga Islaamiga ogolyahay)

Saameynta: Shacabka oo dhan, oo ay ku jiraan ganacsatada yaryar iyo kuwa waaweyn, ayaa ka faa’iidaya lacag diris raqiis ah oo hufan.

Suuqan waxaa ku jira shirkado fara kutiris ah, waxaana kuu banaan in aad dhinacaaga kasoo gashid. Waxaad aragteen PaySii in ay hadda aad usoo caan baxday oo ay heshayna suuq fiican. Suuqa mar waliba wuxuu u baahan yahay tartan si uu usii wado horumarkiisa.

Gabagabo

Teknoolojiyadda casriga ah waa aalad awood leh oo wax ka badali karta nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxay abuuri kartaa shaqooyin cusub, kobcin kartaa ganacsiyada, oo waxay ka caawin kartaa bulshada inay ka faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee casriga ah. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in la sameeyo wacyi-gelin iyo tababaro si qof kasta u fahmo faa’iidooyinka teknoolojiyadda.

Waxaan kula talinaynaa bulshada Soomaaliyeed inay qaataan tiknoolojiyadda si ay uga faa’iidaystaan horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

You may also like

Leave a Reply