Gabar sheegatay in ay dib usoo dhalatay iyo cadaynta ay la timid
Taariikhda Shanti Devi
Sanadka markuu ahaa 1925, naag la oran jiray Lugdi ayaa u geeriyootay umul raac kadib markii ay dhashay wiil. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Mathura oo ku taala waddanka Hindiya.
Hal sano kadib, meel u jirta 120 oo ka mid ah magaalada Delhi, waxaa ku dhalatay gabar lagu magacaabay Shanti Devi. Gabadhan ayaa markii ay gaartay 4 sano, waxay bilawday in ay hadasho, kadibna sheegatay in meeshan ay ku nooshahay aysan ahayn gurigeedii saxda ahaa, waalidkanna aysan ahayn waalidkeeda runta ah.
Gabadhan ayaa bilawday in ay ka sheekeyso waxyaalo ku saabsan nolosheedii hore, waxayna dadkii u sheegtay in ay ahayd xaas, ninkeeduna uu ahaa ganacsade. Waxay bixisay tilmaamo ku saabsan ninka qabi jiray, waxayna sheegtay in uu daanka bidix ku lahaa burto, waxayna sidoo kale sheegtay in uu xiran jiray ookiyaalaha wax akhriska.
Nolosheedi Hore
Gabadhan ayaa mar waliba hooyadeed u sheegi jirtay xusuuso kala duwan oo ku saabsan nolosheedii hore. Sida dharka ay xiran jirtay, waxa ay samayn jirtay, cuntada ay cuni jirtay. Waxyaalaha nolosha caadiga oo soo xasuusiya nolosheedii hore ayay uga sheekeyn jirtay waalidkeeda.
Muddo kadib, waxay waalidkeeda u sheegtay in magaceedi hore uu ahaa Lugdi, odaygeedi magaciisana uu ahaa Kedar Nath. Waxay u sheegtay in ay u geeriyootey dhibaatooyin uga yimid markii ay umulaysay wiilkeeda taariikhda markay ahayd 1925 bishii Oktoobar. Waxay sidoo kale ka sheekeysay qaliimadii lagu sameeyay iyo xanuunadii ay martay.
Waxaa dadkii cajabiyay sheekooyinkan iyo tilmaamahan kasoo burqanaya ilmaha yar, waxayna go’aansadeen in ay raadiyaan ninkan ay gabadha sheegtay. Waxay soo heleen ninkii oo waliba joogaa meesha saxda ah ay gabadha ugu tilmaamtay, wuxuuna lahaa calaamadihii iyo sumadihii oo dhan.
Waxaa la diyaaray kulan u dhexeeya ninkan iyo cunugta sheegatay in ay tahay xaaskiisii la oran jiray Lugdi. Kedar ayaa cunugta yar weydiiyay su’aalo uu ku tijaabiyay in ay garan karto, waxaase la yaab ku noqotay in ay dhamaan uga jawaabtay qaabkii uu ku ogaa xaaskiisii Lugdi. Kadibna meesha ayuu oohin iyo baroordiiq ku galay.
Habeenkii ayuu codsaday in uu gabadha kaligeeda uu weydiiyo su’aalo uu hubay in Lugdi kaliya ay jawaabahooda taqiinay. Markii uu dhamaystay waraysigii ayuu wuxuu dadkii ugu waramay in uu aaminay in Shanti Devi ay tahay xaaskiisii Lugdi. Sababtuna ay tahay macluumaadka ay ogtahay qof aan Lugdi ahayn garan karin.
Shanti ayaa dhowr maalmood la joogtay reerka Kedar iyo wiilkiisa. Markii ay waalidkeeda go’aansadeen in ay magaaladoodii ku noqdaan, waxay codsatay in loo ogolaado in ay booqato magaaladii ay kusoo kortay. Waxay u sheegtay in ay taqaano gurigoodii dhabta ahaa ee noloshii hore kusoo kortay, ayna tilmaam sax ah ku geyn karto haddii loo ogolaado.
Sheekadeeda ayaa faaftay
Shanti ayaa markay jirsatay 10 sano, sheekadeeda ayaa waxay caan ka noqotay dhamaan dalka Hindiya, waxaana xiiseynayay cid walba oo uu ka mid ahaa hogaamiyihii caanka ahaa ee Mahatma Gandhi.
Gaandhi ayaa gudi baareyaal ah usoo diray si ay uga sal gaaraan gabadhan iyo sheekadeeda.
Nofembar 1935 ayaa waxaa la aaday safarkii magaalada Mathura ee dalka Hindiya, waxaa la raacay tareen 3 saacadood qaatay. Markii tareenka laga dagtay ayaa gabadhii shirka laga saaray gaariga ugu horeeyay kolonyada loo qaatay safarka tareenka kadib. Waxaan aad loo adkeeyay amaanka gabadha iyo in iyada kaligeeda loo daayo meesha ay u socoto.
Shanti wax dhib ah maysan ku qabin in ay hogaamise boqolaalkaas qof si ay usoo tusto gurigii ay kusoo kortay (Nolosheedii hore). Intii lasii socday waxay tilmaamaysay ama ka hadlaysay wadooyin cusub iyo guryo cusub oo waa dambe laga dhisay, waxaana macluumaadkaas xaqiijiyay in ay run yihiin darawalkii gaariga waday.
Sidii ay usii waday dadkii, waxay is dul taagtay gurigii ay kusoo kortay nolosheedii hore, waxay sidoo kale la kulantay Aabihii iyo Hooyadii Lugdi iyadoo kasoo dhex saartay dad 50 qofood kor u dhaafayay. Waalidkan ayaa isku duubay cunugta yar iyagoo ooyaya, inkastoo ay rabtay in ay iskala joogto, waalidka dhalay iyo baareyaasha ayaa meesha kusoo afjaray safarkii Mathura waxayna dib ugu wada laabteen magaalada Delhi.
Gudigii ayaa warbixintii ay kasoo saareen waxa ay indhahooda kusoo arkeen garan waayay wax ay ku tilmaamaan iyo qaab ay u fasiraanba. Waxayna kusoo gabagabeeyeen in ay arrintan tahay mid aan laga bixin karin sharraxaad caqliga bani’aadamka qaadan karo.
Shanti Devi ayaa geeriyootay 1987 kii iyada oo 61 jir ah, waligeedna maysan guursanin.
Shanti Devi