Markale kusoo dhawoow Dadka Online

Waxaan maanta idiin haynaa calaamadaha ama sumadaha aad ku garan kartid in aad noqotay qof garaad kiisu buuxsamay ama maskaxdiisu kortay.

1- Waxaad nacday sheekooyinka ama hadalada qaar

Sheekooyinka aad nacday waa ku aan macnaha badan lahayn oo badan koodu ku saabsan ka hadlidda arrimaha dadka kale. Waxaan sinnaba kuugu soconaynin hadalada ku saabsan qabiilka, ka hadla qabiilladda iyo qabyaallada lala fadhiya meelaha bulshada iskugu yimaadaan. Sheekooyinkan ayaan ku xiiso galinaynin waxaadna door bidaysaa in aad iskaga tagtid.

2- Hurdada ayaad jeclaanaysaa

Waxaad doorbidaysaa in aad seexatid habeenka jimcaha ee sabtida soo galaysa ama habeenada ka horreeya subaxa aad fasaxa ka tahay iskuulka ama shaqada. Horaan waxaa aad u jecleyd in aad habeenkan oo kale aad saaxiibadaada u raacdid caways iyo baashaal.

3- Waxaad baratay cilladahaaga shaqsi 

Waxaad baratay cilladahaaga shaqsi si ka wanaagsan sida ay u yaqaanaan dadka aad isku dhow dihiin. Sidaas darteed waxaad taqaanaa sida aad u maamushid dabeecadahaaga iyo sida aad iskaga ilaalisid in aad dhex gashid dhibaatooyin adiga iyo dadka kalaba wax yeello u keeni kara.

4-Waxaad noqotay qof maskax furan 

Waxaa kor u kacay ama horumaray waaya aragtinimadaada taas oo kuu sahashay in aad noqotid qof maskax furan oo ilbax ah.

5-Waxaad xushmeysaa kala duwanaan-shaha

Waxaad fahamtay in ay dadka kala duwan yihiin, fikradaha kala duwan yihiin, diimaha kala duwan yihiin, dhaqamadana ka duwan yihiin. Waxaad ogaatay in ay arrintanna tahay wax dabiici ah oo bulshooyinka caalamka ay ka wada siman yihiin. Sidaa darteed, waxaad noqotay qof xushmeeya kala duwanaan-shaha nooc walba uu ku yimaado.

6-Iskama leexisid/ilaalisid mas’uuliyada 

In aad noqotay qof garaadkiisu buuxa waxaa tilmaam u ah sida aad u gudatid mas’uuliyadda kuu taalla. Waxaad si aan cabsi lahayn u gudataa howsha kuu taalla nooc walba ay ahaataba, ha adkaato ama ha fududaato oo cid kale kuma halaysid.

7- Jacaylka iyo xiriirka waxaad ka haysataa fikrad cad

Waxa aad ka aaminsan tahay jacaylka iyo xiriirka ayaa ku salaysan aragtida dhabta ah. Waxaad jeceshahay in la sameeyo wixii macquul ah keliya, lagana fogaado wax yaallaha aan ku fadhinin dhab iyo xaqiiq.

8- Wax walba aad aragtid horay kama aamintid

Waxaad noqotay qof degenaan muujiya markii uu la kulmo arrimo ku cusub, waxaadna sugtaa macluumaadka in ay soo dhamaystirmaan. Waxay tani kaa caawisaa in aadan gaarin go’aan deg deg ah, taas oo suuro gal ah in ay kaa bad baadiso dhibaatooyin dhici kara.

9-Waxaad doorbidaa aamusnaanta

Mararka qaar waxaad door bidaa in aad ka aamustid muranka iyo doodda noocyadeeda qaar, kuwaas oo aan kheyr kuugu jirin. Waxaad sidoo kale ka aamustaa arrimo adiga kugu saabsan oo ay suurto gal tahay in ay ku geliyaan dagaal fara-saar ah. Aamusnaantan ayaa sidoo kale kugu beerta dulqaad fiican oo dadka kuwooda wanaaga jecel soo mariya xaggaaga.

10- Farxadaada kuma xirna dadka kale

Waxaad gaartay heer aad taqaanid farxada nooca aad u baahan tahay iyo sida aad ku heli lahayd. Waxaad ka maarantay in ay farxadaada ku xirnaato dad kale, balse, ay ku xirnaato nafsadaada. Tani waxay kuu sahlaysaa in aad xor u noqotid qaab nololeedka aad naftaada u hogaamin kartid.

Waxaad ku mahadsan tahay in aad dhamaysatay akhrinta qoraalkan. Fadlan la sii wadaag asxaabtaada.

You may also like

Leave a Reply

More in Hab-nololeed