Hal arrin oo soo noqnoqatay ayaa guul u sababi karta Arsenal
Kusoo dhawaada Dadka Online
Tan iyo markii uu Mikel Arteta la wareegay hoggaanka kooxda Arsenal, waxaa soo noqnoqatay ama aan mar waliba aragnaa meesha ay Arsenal ku liidato in ay horumar fiican ka sameyso sanadka xiga.
Waxay arrintaas ku tusinaysaa in Arteta iyo ciyaartoydiisaba ay ka faaiideystaan khibradda ay ka helaan horyaalka, taas u sahasha in durbadiiba ay hirgeliyaan isbeddel ah in ay kor uga kacaan meeshii ay joogeen sanadkii hore. Tani waxaa caddeyn u ah kaalimaha iyo dhibcaha ay Arsenal sanad walba helayeen tan iyo goortii uu Arteta la wareegay hoggaanka kooxda.
Sanad walba meelihii lagu gumaadi jiray Arsenal isbeddel baa lagu sameeyay, Man City ayaa ugu dambeysay iyadana sanadkii hore ayaa lasoo afjaray dulmigii dheeraa ee ay ku haysay Arsenal oo ay sanad walba 6-da dhibcood iskaga tashan jirtay.
Rikoorka away-ga ah
Guryaha kooxaha waawayn waxay Arteta ka hor ahaayeen meelo Arsenal lagu bahdilo, sanad sanad ayuu usoo afjaray, Chelsea ayaa ugu horeysay, ka dib Tottenham, ka dib Man United. Liverpool iyo City oo aad uga adag kuwa kale ayaa iyagana marka hore la joojiyay in ay Arsenal ka badiyaan, laba sano isku xigto Liverpool way kaga adkaan weysay gurigeeda, Man City sanadkii hore sidaas camal ayaa ka dhacday.
Arrinka aan ka hadlaayo waa isbeddelka horumar ee Arsenal ka samaysay kulamada garoomada guryaha kooxaha waaweyn. Horumarkaan oo sanad walba kan xiga uu aad uga sii fiicnaa ayaan aad ugu kalsoonahay in uu sii socdo.
Kalsooni noocee ah ayaa jirta kulanka maanta?
Arsenal daafac la isku halayn karo ayay haysataa, kulamadii ugu dambeeyay wax gool ah lagama dhalinin. Man City ayaa iyadana kulankii ugu dambeeyay la ciyaartay kooxda Inter Milan oo aad ugu dhow qaabka ay Arsenal u ciyaarto dhanka difaaca.
Arrinkaas ayaan filaayaa in uu aad u caawin doonno Arsenal, maadaama uu xoogahaa shaki yar ku reebay weerarka iyo tabarta kooxda Man City. Waxaan hubaa in aysan isku hubin Arsenal in ay ka heli doonaan gool maadaama kulankii ugu dambeeyay ay ka heli waayeen gool koox sida Arsenal camal u ciyaarta. Taas waxaa u sii dheer in Arsenal ay usbuucyadii ugu dambeysay soo bandhigtay awood daafac oo aad loola dhacay, taas oo kor u qaadday kalsoonida kooxda Arsenal.
Waxay ilatahay in uu kulanka maanta noqon doonno mid aan aad loogu raaxeysan doonin oo fursadaha la iska helaa ay noqon doonnaan kuwa aad u yar.
Wuxuu noqon doonnaa kulan ku salaysan taatiko adag maadaama ay labada tababare si fiican isu yaqaanaan.
Waxaan rajeynaayaa in referees-ka aysan sababin in kulankan uu hal dhinac u dhoco go’aammo saamayn leh inta ay sameeyaan. Refereeyada horyaalka Ingiriiska ayaa aad u hooseysa tayadooda xittaa haddii ay haystaan VAR, waxaa weli taagan in ay go’aammo saamayn negative ah qaataan kulamada muhiimka ka ah horyaalka.
Fikirkaaga noogu reeb qaybta hoose ee komentiyada.
Mahadsanid.