Mar kale kusoo dhawoow Dadka online

Maanta waxaan idiin wadnaa maqaal aad muhiim kuugu ah haddii aad leedahay xiriir lamaane ama aad rajaynaysid in aad yeelatid goor dhow.

Talooyinka aan halkan kuugu soo gudbinayno waa kuwa ku dhisan xaqiiq oo ay waliba marqaati ka noqon karaan inta samaysay ama ku jirta xiriir ku dhisan jacayl iyo ixtiraam dhab ah.

Xeerarkan ayaa kuu sahli doonno ama idiin sahli doonaan in aad yeelataan xiriir qoto-dheer leh.

Waxaa jira xeerar aan badanaa dadka lagu barin iskuullada ama goobaha wax barasho, kuwaas oo nolosha rasmiga kaalin weyn ka qaata haddii lagu dhaqmo.

Waxaan soo qaadanaynaa toddoba ka mid ah xeerarka aanan qornayn ee xiriirka lafaha adag ku dhisan.

1- Daacad u ahaaw waligaa

Daacadnimada waa xarrigga ugu adag ee isku hayyo lamaanaha xiriirka ka dhexeeya. Waa in aadan wax ka qarsanin lamaanahaaga, beenna u sheegin, khiyaanana meel fog aad uga soo hartid. Is aaminaada waxaa jabisa in ay kaa dhamaato daacadnimada. Haddii ay kaa dhamaato daacadnimada, waxaa meesha ka baxaya aaminaad, taas oo horseedaysa burburka xiriirkiinna.

2-Iska ilaali eedeynta ama eedda

Waxaad mas’uul ka tahay dookhaaga hadalka iyo dhaqankaaga, cidina kuguma qasbayso sidii aad u dhaqmi lahayd ama aad u hadli lahayd.

Waxaa lagaa rabaa in aad iska ilaalisid lamaanahaaga in aad eedeysid. Xittaa haddii uu arrinkaasi uu xagga kale ka yimid, isku day in aad qaab kale u fahansiisid.

Dadku markay xanaaqaan ama caroodaan, waxaa timaada in ay eedeeyaan qofka kale. Haddii uu idin dhex yaallo muran, haku ekaado arrinka keliya ee dhaliyay muranka. Dib ha usoo faagin wixii horay u dhacay, isku day in aad carabkaaga ka adkaatid. Mar hadduu hadal kaa baxo kolay sooma ceshan kartid ee taxadar marka horeba.

3- Ballanta 

Inkasta oo ballanta nooc walba ay noqotaba mudan tahay in laga soo baxaa, tan laga qaado lamaanaha waxay leedahay miisaan dheeri ah. Sidaa darteed, ballanta waa in aad oofisaa ama marka horeba aadan qaadin ama gelin ballan aadan kasoo bixi karaynin.

Ha u gelin ballan si aad qof uga farxisid darteed haddii aadan hubin in aad kasoo bixi kartid. Ma fiicna in qof aad niyadda arrin u gelisid, kadibna ay soo rumoobi weydo.

4- Bandhigga jacaylka

Qofka idinka dhexeeya jacaylka waa in aad mar waliba u muujisid, oo uu noqdaa wax la taaban karo ama aan iraahdo la dareemi karo.

In lasoo bandhigaa jacayl uma baahna hadiyado qaali ah, casho qaali ah ama dalxiis qaali ah in la aado.

Jacaylkaaga ku muuji arrimaha yar yar ee reebi kara xusuus ama dareen wanaagsan. Tusaale; hadal naxariis leh kula hadal mar walba, howlaha u yaalla ka caawi, koob shaax oo edeb darran u sameey. Wakhti fiican isla qaata, beerta socod u aada ama xeebta, ubax si joogto ah usoo iibi iyo wixii la mid ah.

5- Dooddiinna ha qarsanaato

Doodda ama muranka idin dhex maraa waa inuu labadiina soo dhaafin. Hala wadaagin saaxiibadaada xittaa kuwa ugu qaalisan ama aadka kuugu dhow. Tani aad ayay muhiim ugu tahay adkaynta kalsoonida aad isku qabtaan. Waxay sidoo kale idin barraysaa in aad dhexdiina ku xalisataan dhibaatooyinka idin soo mara oo dhan. Khilaaf waa khasab oo wuu imaanayaa laba-jeer-ba waayo waxaa tihiin bani’aadam, dadkuna isku fikir ama isku aragti ma ahan mar waliba.

6- Is bar tanaasulka

Tanaasulka waa dhalanteed markii loo yimaado dhisidda ama adkaynta xiriirka ka dhaxeeya labada qof. Tanaasul waad ku khasbanaanaysaa haddii aad rabtid in aad yeelatid xiriir dhaxal gal ah. Mar waliba taada kuuma socon doonto, sidaa darteed waa in aad isu diyaarisid in aad wax yaallo badan ka tanaasushid.

7- Dalabka

Wax weydiiso ama dalbo keliya haddii aad oggoshahay in dhinacaagana aad ka bixisid ama ka ogolaatid. Labada qof ee ku jiraa xiriir waa bani’aadam, waxayna leeyihiin baahiyo iyo kala-duwanaansho Alle u abuuray qof walba.

Dalabkaaga marka horeba ha noqdo mid aan lahayn culeys, kaas oo lamaanahaaga ku noqonaynin mid uu karaahsado.

Xiriirka dheeraada ama joogtada noqdaa waxaa ku dheehan is fahan, jacayl, naxariis iyo isu danqasho. Sidaa darteed, ha noqonin kaligii taliye, sabatoo ah, kaligaa xiriirka iskulama jirtid.

Maqaalka maanta halkan ayuu noogu egyahay.

Fadlan haddii aad ka heshay la wadaag asxaabtaada adiga oo taabanaya calaamadda facebook-ga ee hoos ku taalla.

 

 

 

 

You may also like

Comments

Leave a Reply

More in Hab-nololeed