Kongo waa dal ku yaalla bartamaha qaarada Afrika, waa dal aad u wayn, dad badani ku nool yihiin, kheyraad aad u baaxad wayn leh balse dadkiisu ay aad faqri u yihiin.

Waxaa dalkaas ka dhaca arrimo aad looga xumaado oo dunida ka qarsoon.

Sidaan kor ku xusnay, Kongo waa dal uu Alle ku manaystay kheyraad aad u baaxad wayn waxaana uu caan ku yahay Dhaymanka iyo Dahabka. Balse waxaa kale uu qani ka yahay, macdan aysan dadka badankoodu ka war qabin balse aad muhiim ugu ah nolosha casriga ah.

Kongo waxay haystaa ama hoy u tahay boqolkiiba lixda 60% macdanta loo yaqaano Coltan.

Coltan

Coltan waa macdan aad ugu muhiimsan qalabka Elektronikada waxaana isticmaala shirkadaha ugu waawayn adduunka sida Google, Apple, Microsoft, Samsung, Tesla iyo dhamaan kuwa sameeya taleefanada gacanta.

Coltan waxay ku jirtaa aalad kasta oo elektronik casri ah oo ku shaqaysa koronto. Waxa ugu badan ee aad mar waliba isticmaashid oo ay muhiim u tahay waa taleefanada gacanta (smartphones) iyo kumbuyuutarada oo dhan.

Waxaa jira cabasho aad u badan oo ka timaada deegaanada laga soo saaro macdantan oo ee wadanka Kongo. Waxaa lagu eedeeyaa in lagu shaqeeyo caruur, kuwaasoo aad loogu dhibaateeyo shaqooyinkan oo aysan awood fiican ay ku qabtaanba aysan lahayn.

Waxaa lagu eedeeyaa kooxaha macdantan soo saara in ay khasbaan caruur masaakiin ah, kuwaas oo loo gaysto xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda caruurta oo ay ka mid yihiin jir dil, gaajo, xadugub galmo iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Caruur ka shaqaynaysa macdan qodista. KONGO

Caruurta ayaa loo adeegsadaa in ay qodaan ciida, soo guraan, kadibna ay ku dhaqaan biyo aan nadiif ahayn. Caruurta ayaa waxaa la sheegayaa in ay jirkooda soo gaaraan kiimikooyin kala duwan oo ay ka mid tahay midda loo yaqaano Radon, taas oo keeni karta cudurka kansarka luqunta.

Caruurtan ayaanan helin wax naxariis ah ama cadaalad ah markuu soo gaaro xanuuno, dhaawacyo. Qoysaskoodana wax diyo ah lama siiyo markii ay caruurtoodu u geeriyoodaan dhibaatooyin kasoo gaaray macdan qodista.

Tobankii sano ugu dambeeyay ayaa la sheegaa in malaayiin dadka reer Kongo ah ay naftooda ku waayeen iska hor-imaadyo ka dhashay macdanta.

Dowladaha Faransiiska iyo Maraykanka ayaa go’aansaday in ay ciidamo u diraan goobaha ay iska hor-imaadyada ka dhacaan, si ay ula wareegaan goobaha macdan qodista laga sameeyo. Arrintan ayaa sii badisay dagaalada ka dhaca goobahan.

Waxaa iska cad in iyagaba ay wataan dano gaar u ah oo ayba u joogaan in ay amaanka goobahan sugaan si shirkadaha wadamadooda kasoo jeeda ay uga faaiidaystaan macdanta coltan oo aad muhiim ugu ah shaqadooda.

Waa ayaan darro in dadka Kongo u dhashay ay ku noolaadaan silaca iyo dhibaatada baaxadaas leh, haddana ay gacanta ku hayaan maal aad muhiim ugu ah nolosha casriga.

Bal ka warama, Laabtoob iyo taleefanba lama soo saareen ama aad bay u yaraanaysaa soo saaridooda haddaysan jiri lahayn meel laga soo saarto macdanta Coltan oo wadankan Kongo uu aad qani ugu yahay.

Afrika ayaa wadama badan sidaas camal uga baahan macdan ay dunida aad ugu baahan tahay. Wadada kaliya ee u furan Afrika iyo shacabkeeda ayaa ah in ay hurdada ka kacaan, kororsadaan aqoonta macdanta ay u leeyihiin macaadinta kala duwan ee Alle siiyay si ay uga faaiidaystaan. Intaasba waxay ku xiran tahay hogaamiyayaasha Afrika oo iimaanka sugtaan, daacadna ugu shaqeeyaan dadkooda.

 

You may also like

Leave a Reply