Ninkii Alifay Iphone-ka ma Muslim buu ahaa? Halkan ka ogoow
Steve Jobs waa nin caalamka magac iyo taariikh aad weyn uga tagay. Waa aasaasihii shirkadda taleefanada laga daba dhacay adduunka ee Apple, waa hindisihii Iphone-ka, Ipad-ka. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa raggii ugu horeeyay ee soo saara kumbuyuutarada casriga ah.
Balse waxay dad badani aqoon u leheen meesha uu kasoo jeedo iyo taariikhdiisa goonida ah. Steve Jobs waalidkii dhalay maysan korsanin oo way iska wareejiyeen xilkaas si ay reero kale u korsadaan. Arrintan ayaa galbeedka looga yaqaanaa luqada ingiriiska ”Adoption” waana markii ilmaha waalidkooda iska wareejiyaan mas’uuliyada koriismadooda sababo gooni u ah awgood. Maadaama dhaqanka Soomaalida uusan lahayn, Af-Soomaaligana sidoo kale malahan erey lagu magacaabo ilmaha la iska wareejiyo xilkooda.
Steve Jobs asalkiisu waa Carab, Aabihii waxaa la dhihi jiray Cabdulfatah Jendali, wuxuu kasoo jeedaa Suuriya, wuxuu geeriyooday sanadkii hore ee 2021.
Jendali ayaa ku dhashay waddanka Suuriya, magaalada Homs sanadkii 1931. Jendali Aabihii wuxuu ahaa maal qabeen leh hanti dhuleed aa u baaxad weyn. Wuxuu ahaa oday aad u ad adag, wuxuuna gacan adag ku hayay caruurta uu dhalay oo dhan. Jendali ayaa doonayay in uu jaamacada Damascus ka barto garyaqaanimo, balse waxaa ka hor istaagay aabihiis. Sidaa darteed wuxuu iskaga soo cararay magaaladii uu ku noolaa hee Homs.
Jendali ayaa kusoo noolaaday waxna ka bartay wadamada Lebanon iyo Algeria. Kadibna ugu dambeyn usoo wareegay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York.
Jendali ayaa wax ka bartay jaamacadaha Columbia University iyo Wisconsin University halkaas oo uu ka helay deeq wax barasho oo u sahashay in uu gaaro ilaa Ph.D. ee culuumta dhaqaalaha iyo siyaasada.
Jendali iyo Schieble
Intuu dhiganayay jaamacada wisconsin ayaa waxay is barteen gabar reer Jarmal ahayd, haysatay diinta Kirishtanka qaybteeda Katooliga oo magaceeda la dhihi jiray Joane Carol Schieble. Muddo yar kadibna waxaa kusoo baxay uurka wiilkiisa Steve Jobs.
Waxaa guurkooda hor istaagay Aabihii dhalay Schieble oo ahaa wadaad Kirishtaan ah, sababtuna waxay ahayd in uusan u ogolaan karin gabadhiisa in ay guursato nin diinta Islaamka haysta. Intaa kadib, Jendali ayaa isaga tagay Schieble.
Steve wuxuu dhashay 1955-tii, durbadiiba waxay hooyadii go’aansatay in xilkiisa koriismo iska wareejiso. Waxayna ku xireen shuruud ah in dadka lagu wareejin doono ay khasab ahaadaan in ay haystaan madhabka katooliga ee kirishtaanka iyo in ay noqdaan dad haysta wax barasho heer jaamacadeed ah.
Reerkii koowaad ee buuxiyay shuruuda ayaa dib ka go’aansaday in ay doonayaan gabar sidaana ay iskaga dhaafeen Steve inay qaataan. Reerkii ku xigay liiska oo la oran jiray Paul iyo Clara Jobs ayaa qaatay Steve. Balse ma aysan buuxinin shuruuda ah in ay haystaan wax barasho jaamacadeed.
Arrintan ayaa ku sigtay hooyadii dhashay Schieble in ay u diido inay korsadaan Steve maadaama aysan ka helin heerka wax barasho ee haysteen. Balse ugu dambeyn way iska ogolaatay in ay qaataan maadaama ay ahaayeen dad fiican. Sidaa darteed, wiil kasoo jeeda carab iyo muslimiin ayay u egtahay in uu diinta islaamka haleeli waayay. Allah ayaa og wuxuu aaminsanaa goortuu geeriyooday.
Steve ayaa ka xanaaqi jiray markii ay dadku dhahaan waalidkaaga runta ah ma ahan, wuxuuna ku adkaysan jiray in ay yihiin waalidkiisa dhabta ah. Waxay u egtahay in uu aad u necbanaa in lagu soo qaado waalidkii dhalay isaga.
Cabdulfatah Jendali iyo hooyadii dhashay Steve ayaa muddo yar kadib dib u midoobay oo toos u aqal galay. Waxayna dhaleen gabar lagu magacaabay Mona. Steve ayaa walaashiis la kulmay markii ay jirsatay 27.
Jendali iyo Steve ma kulmeen?
Jendali ayaa waayihii dambe maamule ka noqday makhaayad uu isagu lahaa oo ku tiilay caasimada caasimada California ee Sacramento. Steve ayaa inta uusan dhimanin sheegay in uu makhaayada mar ama laba tagay. Wuxuu sheegay in ay gacanta isku salaameen ninka makhaayada lahaa oo ka yimid Suuriya balse uusan dhex marin wax hadal ah.
Walaashiis Mona ayaa xaqiijisay ninka makhaayada lahaa in uu yahay Aabahood Cabdulfatah Jendali. Steve ayaa sidoo kale sheegay in uusan isku dayin in uu raadiyo ama xiriir la sameeyo Aabihii dhalay.