Qaababka Loola Dhaqmo Dadka Xanaaqa Iyo Muranka Badan
Dadku waa ay kala dabeecad duwan yihiin, kuwa waa dabeecad qaboow yihiin halka kuwa kalana ay dabeecad khalafsan yihiin, kuwana waa dabeecad kulul yihiin oo dulqaad agtooda ma yaallo.
Maanta halkan waxaan kusoo qaadanaynaa talooyin ku saabsan qaababka aad ula tacaali lahayd ama ula dhaqmi lahayd haddii aad la nooshahay dad xanaaqoodu aad u dhawyahay.
Xeeladahan ayaa kuu sahli doona in adiga iyo dadka dabeecadaha adag leh aad si nabad leh hal meel ku wada noolaataan. Talooyinkaan waxay kuu sahli doonaan in aad mar waliba ka hortagtid iska horimaad wata qaylo iyo madax xanuun, kaas oon caafimaadka qofka u fiicanayn in ay mar waliba soo noq noqoto.
Kala dooro arrimaha aad ka dagaalantid
Dadka qaar ayaa muran iyo dagaal ka kiciya wax yaallo aan muhiim ahayn. Sidaa darteed, waa inaad dooratid arrimaha aad enerjiga ku bixin kartid iyo kuwa aanan u qalmin in aad u doodid. Iska ilaali in aad wakhti iskaga lumisid dood iyo muran aan faaiido kuu leheen.
Haddii aad dareentid wax aanan micno lahayn inuu dagaal ka kici rabo, iskaga tanaasul muranka noocaas ah hana sii wadin. Waxa kaliya ay kaaga baahantahay arrintaas ayaa ah in aad ka aamustid.
Doodaha khuseeya kala duwanaanshaha fikirka ayaa noqon kara kuwo wakhti badan qaata, badanaana waa ay adag tahay in qof kaa fikir duwan aad hal meel wax isugu keentaan. Sidaa darteed, waxaa kuu wanaagsan, doodaha kala duwanaanshaha fikirka in aysan kugu dheeraanin haddii aad la doodaysid qof xanaaq dhaw.
Doorro wakhtiga aad wax soo jeedin kartid
Qofka aad la dhaqmaysid waxaa laga yaabaa in uu yahay waalidkaaga, qoyskaaga ama walaal. Waxaad doorataa wakhtiga aad la hadli kartid qofkaas, waa in aysan noqonid wakhtiyada uu xanaaqoodu dhowyahay ama ay suurtogal tahay in uu kugu xanaaqo.
Dadka qaar ayaa xanaaq dhow markii ay arrimo kale ku mashquulsan yihiin, sida iyaga oo jikada ku jira, ama shaqada kasoo laabtay oo isku dayaya in ay nastaan ama markaas hurdo kasoo kacay.
Arrimaha aad doonaysid in aad kala hadashid la raadso wakhtiyada uu jawigooda u dagan yahay oo wax howl ahi aysan cadaadis ku haynin.
Isku day in aad fahantid sababaha xanaaqa keena
Dabeecadaha bani’aadamka waxaa sameeyaa xaaladaha kala duwan ee ay ku dhex nool yihiin. Sidaa darteed, qof walba oo xanaaq badan, waxaa jirta sabab ka dambaysa in ay yeeshaan ama ku dhaqmaan dabeecada noocaas ah.
Waxaa lagaa rabaa in aad fahantid meesha ay arrinta ka socoto si aad nafsadaada uga kaafisid fikiro kale oo munaasab ahayn. Waxaa la rabaa in uu qalbigaaga u wanaagsanaado qof walba oo aad nolosha wadaagtaan.
Gaar ahaan, waalidkaaga, walaalahaaga, asxaabtaada kuwa deegaanka iyo kuwa shaqadaba. Si aad u ilaalisid qalbiyada isu furnaanshahooda, isku day in aad ka sal gaartid waxa ku kalifay qofka in uu kuula dhaqmo ama u dhaqmo qaab aadan u bogin.
Isku day in aad caawisid
Dadka nolosha wadaago waxay isku leeyihiin in ay wax is taraan, wax isu sheegaan, iyo in ay kala faaiidaystaan. Haddii aad la nooshahay ama howl wadaagtaan qof xanaaqiisu badan yahay, isku day in aad ku bogaadisid isbedel in ay sameeyaan. Waxaadna tustaa ama u sheegtaa xeeladaha lagu maamulo xanaaqa.
Waxaana ka mid ah; in ay ka fikiraan hadalada inta aysan dhihin, in ay is dejiyaan, in aysan wax jawaab ah bixinin iyaga oo xanaaqsan, in ay jawiga badashaan oo ay ka tagaan meesha muranka ka bilaawday.
Talooyinkaan raac si aad is bedel ugu samaysid hab-nololeedka aad la leedahay dadka uu dhibaatada ku hayo xanaaqa faraha badan.