Sonkortu waa dhadhan sameeye ay bani’aadamku aad u jecelyihiin balse khatar weyn ku ah caafimaadka iyo guud ahaan noloshooda.

Soomaalida ayaa gaar ahaan aad u isticmaasha sonkorta meel walba ay joogaan. Gaar ahaan Soomaaliya, jawiga oo dabiici ahaan iska kulul ayaa waxay dadku aad u cabaan cabitaanada barafka iyo sonkortu si deeqsinimo leh loogu manaystay.

Soomaalidu ayaa qaabab kala duwan jirkoodu u helaa sonkorta, dhibaatada ay leedahayna waxaa kaliya ay moodaan in ay tahay cudurka sonkorta.

Dadka sonkorta aadka u cuna ayaa sidoo kale aaminsan in aysan sonkortu qaban doonin maadaama ay socod badan sameeyaan oo dhidid badan jirkoodu soo saaro maalin walba.

Dhibaatada sonkorta ayaa aad u kala duwan, una kala baaxad weyn. Sonkorta ayaa kuu keenaysa dhibaatooyin badan iyada oon cudur ahaan kuugu dhicin.

Halkan waxaan kusoo qaadanaynaa dhibaatooyinka sonkortu u leedahay in qofku muuqaalka da’diisu ay ka duwanaato tan dhabta ah ee cirmrigiisa.

Miisaanka iyo muuqa qofka

Sonkorta ayaa kordhisa ama kor u qaada miisaanka qofka waxaana sidoo kale isbedel ku yimaada muuqaalka jirka. Arintan ayaa ragga iyo dumarka si kala duwan u saamaysa. Ragga miisaanka badan wuxuu u qariyaa da’dooda dhabta ah, halka dumarkana uu u saariyo ama u kordhiyo da’dooda.

Sonkorta ayaa hor istaagto ama carqaladaysa dib u kabashada iyo is daaweynta uu maqaarka jirka sida dabiiciga ah u samaysto. Shaqadaas oo uu Alle u sameeyay jirka bani’aadamka ayaa ah isku filnaasho dabiici ah. Taas oo jirka u sahlaysa inay mar waliba dib u kabasho ku sameeyaan unugyada maqaarka jirka.

Sonkorta ayaa keenta nabadarada wajiga (acne)

Haddii aad dhib ku qabtay nabarada wajiga kasoo baxa, waxaad ogaataa in ay sonkortu ka dambeyso. Waxayna cadayn u yihiin in jirkaagu qaato sonkor aad u badan taasna ay sababtay in ay nabarada maqaarka ee wajiga kaa soo baxaan.

Baaritaano cilmiyeed la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka magaalooyinka ay ku badan yihiin nabarada wajiga kasoo baxaa markii loo bar bar dhigo dadka reer miyiga. Waxaa la ogaaday in dadka reer miyiga ahi aysan qabin dhibaatooyinka nabarada wajiga oo kaliya laga helo dadka reer magaalka ah. Sababtuna waxay tahay in reer magaalku sonkorta qaabab kala duwan jirkooda u gasho halka reer miyigana laga yaabaa in aysan ba isticmaalin.

Nabarada wajiga ayaa sidaad darteed keena in uu qofku da’diisa saxda ah uusan muuqeeda leheen. Nabarada ayaa markii ay bogsadaan wajiga ku reeba calaamado mad madoow kuwaas oo ay adagtahay in laga bi’iyo wajiga.

Laablaabka maqaarka ayay soo dedejisaa (wrinkles)

Sonkorta badan iyo dookh xumida cuntada ayaa keenta ama sababta in maqaarkaaga si deg deg ah uu u bilaabo laalaabka waayeelnimo adiga oo wali da’yar.

Sokorta ayaa sababta dhaawac ku yimaada borotiinada isku hayya, ka shaqeeya wanaaga iyo caafimaadka maqaarka. Dhaawacyadan ayaa sababa in ay gabaan shaqadoodii sidaasna uu maqaarka jirka bilaabo in uu jilco, iskuna soo ururo oo laablaabka da’da meeshaas ka bilaabato.

Sonkorta ayaa qaabab badan jirkaaga ku gasha, waxaana ka mid ah cuntooyinka Soomaalida aadka u cunaan oo ay ka mid yihiin baastada, xalwada, buskutka, canjeerada, rootiga, sabaayada, wax walba oo macaan ka samaysan ama sonkor lagu daray.

Haddii aad rabtid in aadan ciyoow duqoobin, ka fogoow sonkorta.

You may also like

Leave a Reply