Qiimahaaga Ma Oga ($ 100, $ 1000, $?????) – Gabar & Aabeheed
Markale kusoo dhawoow Dadka Online.
Maanta waxaan halkan idiin kugu haynaa sheeko xambaarsan talo iyo waano oo uu Aabe siiyay gabadhiisa oo markaas Jaamacada kasoo qalin jabisay.
Waxay diyaar u ahayd in ay shaqo raadis gasho maadaama ay gacanta kusoo dhigtay shahaadadii ay sanadaha badan ugu jirtay jaamacada.
Aabeheed ayaa wuxuu u sheegay in uu hadiyad ahaan u siiyay gaari duq ah oo uu muddo hore isticmaali jiray. Balse wuxuu ku yiri, Inta aadan isticmaalin waxaad u geysaa xarunta gawaarida lagu iibiyo ee xaafada ku taalla, soo beeci, kadibna iisoo sheeg qiimaha ay kuu gaaraan.
Gabadhii ayaa tagtay suuqii gawaarida, waxay u sheegtay in ay doonayso beeca ay ku heli karto gaariga. Waxay usoo laabatay Aabeheed, waxayna u sheegtay in ay ku qiimeeyeen Kun dollar waxayna yiraahdeen gaarigan waa dhamaad, intaas ayaanna kaaga iibsan karnaa.
Aabeheed ayaa markale u diray gaariga in ay geeyso xarunta xaraashka ee meel u dhow ku tiilay. Gabadhii ayaa tagtay meeshii xaraashka waxayna dib ugu soo laabatay Aabeheed iyadoo ka niyad jabsan. Waxay u sheegtay in ay qolada xaraashka ay boqol dollar keliya u gaareen gaariga oo ay aad uga soo xumaatay.
Odaygii ayaa haddana go’aan saday in uu mar kale u diro meel kale oo ay isugu yimaadaan dadka gawaarida xiiseeya oo ku mideysan ururka gawaarida.
Gabadhii ayaa geeysay xaruntii ururka gawaarida. Dadkii ayaa aad ula dhacay gaariga ay la timid meesha, waxayna ka dhegeysteen waxay ka doonaysay in ay u sameeyaan. Waxay u sheegtay in ay iibinayso gaariga, ayna doonayso in ay qiimo u gaaraan. Wakhti yar kadib ayay usoo gudbiyeen qiimaha ay rabaan in ay kaga iibsadaan gaariga oo ah boqol kun oo dollar $100,000. Waxayna u sheegeen in gaariga uu yahay nooc qadiimi ah oo aad loo xiiseeyo. Gabadhii ayaa aad ula yaabtay qiimaha cirka isku shareeray ee gaarigan duqa ah ee Aabeheed siiyay la soo baxay.
Waxay u timid Aabeheed oo ay uga warantay wixii ay kala soo kulantay ururkii gawaarida. Aabihii ayaa dhegeystay war bixintii gabadha wuxuuna u sheegay in uu rabay in ay ogaato cashar muhiim u ah nolosheeda.
Wuxuu ku yiri: ”Waxaad aragtay waxay la mid yihiin hab dhaqanka dhabta ah ee goobaha shaqo. Haddii aad aragtid dad aan sidii la rabay kuu qiimaynaynin, haka xanaaqin, waxa keliya eed u baahan tahay in aad fahamtid ayaa ah in aysan ahayn meeshii kugu haboonayd. Waxaad ogaataa meesha keliya ee lagaa qadarin doono waa meesha ama cidda taqaana qiimaha aad leedahay.”
Odayga wuxuu gabadhiisa siiyay talo muhiim u ah mustaqbal keeda, waxayna ka bad baadin doonta in ay la dhaqanto dad aan ogeyn qiimaha ay leedahay.
Sheekadan ayaan dhowr wax ka baran karnaa. Waxaana ka mid ah:
1- Ha isku halaynin/Ha aaminin macluumaadka ugu horreeya
Waxaan aragnay in ay aad u kala duwan yihiin macluumaadka ay ka heshay dhowrka meellood ay u beec geeysay gaariga.
Arrintan waxaan ku salayn karnaa wax yaallo badan oo ka mid ah nolosha caadiga ah. Tusaale: Haddii aad suuqa u aadid in aad alaab soo iibsatid, mar waliba isku day in aad dhowr dukaan aad weydiisid beeca alaabta intaadan iibsanin. Waxaa laga yaabaa in aad qiimo fiican heshid.
Tusaale kale waa macluumaadka ama warar ka aad ka akhrisatid social media, mar walba iska hubi, ha aaminin warka ugu horeeya ee aad aragtid.
2- Meel lagaa neceb yahay haddii aad joogtid, ogoow mar waliba, waxaa jirta meel lagaa jecel yahay. Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa in aad heshid meesha lagaa jecel yahay. Ha quusanin, hana ka fadhiisanin in aad raadisid meeshaas.
Waa cashir iyo war wanagsan. Keep it up guys!!