Mar kale kusoo dhawoow Dadka Online

Sida aad kusoo aragtayba cinwaanka maqaalkan, caruurta ku kora saboolnimada ayaa waxaa la arkaa in ay mustaqbal fiican yeeshaan iyaga oo ka faaiidaysta fursad walba oo xagooda soo marta.

Kuwa ka mid ah maal-qabeenada ugu caansan dunida ayaa sheega in ay soo mareen saboolnimo kana soo jeedaan reero aan wax hanti ah lahayn. Sidaas darteedna ay aad ugu dadaaleen sidii ay mustaqbal fiican u dhisan lahaayeen.

Halkan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa dhowr sabab oo u sahasha ama ka dambaysa in ay caruurta ku kora faqriga ay mustabalka u noqdaan dad hanti leh.

1- Wax barashada

Caruurta ku dhasha, kuna kora faqriga ayaa aad uga dadaal badan kuwa kale, sababtaas ayaa waxay u sahashaa in buundooyin fiican uga baxaan iskuullada hoose, dhexe ama sare. Buundooyinkan aad ka u sarreeya ayaa u fura albaabaha wax barashada heerarka sare ee jaamacadaha.

Waxaa suurtogal ah buundooyinkooda sarreeya awgood in ay ku helaan minxooyinka jaamacadaha ugu sarreeya adduunka. Waxayna halkaas kasii wataan dadaalkooda wax barasho iyaga oo hiigsada in ay jaamacadaha uga baxaan kaalimaha ugu horreeya. Arrintan ayaa sidoo kale usii furta albaabaha shaqada oo waxay helaan shaqooyinka ugu lacagta fiican.

2- Qiyamka wanaagsan

Waxay da’yar ku bartaan qiyamka wanaagsan oo u sahla in ay noqdaan dad leh xilkasnimo, noqdaan dad la aamini karo, noqdaan dad wax tar u leh bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Qiyamka wanaagsan oo ay ku dhaqmaan waxaa ka mid ah;

  • Qofka in uu guto shaqada u taalla si walba ay u adag tahay
  • Qofka in uu ka fogaado deynta
  • Qofka in uu ka fogaado beenta
  • Qofka in uu mar waliba runta sheego
  • Qofka in uu qiimeeyo wakhtiga, kana faaiidaysto
  • Qofka in uu oofiyaa balanta

Iyo kuwa kale oo fara badan.

3- Shaqo adayg iyo daacadnimo

Waxay ku barbaareen in aysan jirin wax bilaash lagu helo. Waxay u shaqeeyaan si ka adag ama ka xoog badan qaab ka ay u shaqeeyaan dhalinyarada da’dooda ah oo aan soo marin rafaad.

Waxaa sidoo kale lagu yaqaanaa in ay yihiin dad shaqadooda u qabsada si daacad ah. Waxaa aamina dadka ay la shaqeeyaan taas oo u sahasha in ay sameystaan xiriirro muhiim u noqon doonna mustaqbalkooda. Qiimaha qofka ayaa lagu gartaa dadka uu saaxiib ka dhigto iyo tilmaamaha ay ka bixiyaan.

4- Ma yaqaanaan raaxo iyo cabsi 

Dhalinyarada ku korta rafaadka iyo saboolka ayaa yaraantoodi lasoo tacaalay dhib walba oo jiri kara. Waxay naftooda baratay adkaysi iyo ad-adayg ay kaga hortagto dhibaatooyinka iyo cabsida soo wajahda. Sidaa darteed, markii ay noqdaan dad waawayn, waxay u tababaran yihiin in ay ka gudbaan wax walba oo carqaladayn kara hamigooda iyo shaqadooda.

5- Waxay bilaabaan ganacsi iyaga oo aad u da’yar 

Dhalinyarada kusoo kora saboolka ayaa badanaa helin fursadaha wax barasho. Tani waxay ku kaliftaa in ay da’yar ku bilaabaan shaqo, waxayna bartaan xirfadaha shaqooyin kala duwan oo looga baahan yahay magaalada ay dagan yihiin. Khibradaha shaqooyin ka ayaa ugu dambayn u sahasha in ay abuuraan ganacsi u gaar ah iyaga, halkaas oo ay uga bilaabato dhisidda mustaqbal aad u sarreeya. Sida ay da’doodu u korayso, ayay maskaxdoodu kortaa, caqligooda iyo xirfadooduna u hormartaa.

Haddii ay Soomaali tiraahdo ”Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan” haddaba ogoow waa xaqiiq. Ama kusoo bar baar hanti ama saboolnimo, ugu dambayn waxaa guulaysta qofka muujiya dhabar adayg shaqo.

Haddii aad ka heshay maqaalkan, fadlan lasii wadaag asxaabtaada si ay u helaan dhiiri gelin.

 

You may also like

Leave a Reply

More in Hab-nololeed