Saddex Arrin oo Madaxweyne Xassan Sheikh Guul Gaarsiin Doonta
Waxaa ugu dambayn la calaama saaray Madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud. Waxaanna halkan uga diraynaa hambalyo iyo duco in uu Ilaahay u fududeeyo shaqadan aadka u culus ee uu markale dhabarka u dhigtay.
Khuburada siyaasada ayaa soo dhaweeyay hogaanka cusub, waxayna dad badani ku kalsoon yihiin khibrada uu Madaxweynaha cusub u leeyahay siyaasada iyo tafaraaruqa Soomaalida, taas oo u sahli doonta in uu isu soo dhaweeyo Soomaalida ku kala fogaatay siyaasada dalka.
Shaqaduse intaase waa ay ka badan tahay, waxaana uu u baahan yahay dad aqoon, karti iyo khibradba u leh shaqooyinka kala duwan ee u yaala dowladda.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa howlaha aan ka xulanay shaqooyinka horyaalla dowladda cusub oon filayno in ay u baahan yihiin in diirada la saaro. Markii lagu guulaystana ay noqon doonaan horseedka horumarka iyo horay usocodka dowlada iyo bulshada Soomaaliya.
1- Dhamaystirka Dastuurka
- Tan iyo markii dowladnimada dib loo dhisay, waxay soo martay marxalado kala duwan. Soomaalida oo ay aad u adag tahay in ay siyaasad isku aaminaan ayaa halkan soo gaarsiiyeen. Inta ka dhiman dowladnimada Soomaaliya heshiis iyo afgarad malagu dhamayn karo ee waa in la helaa sharci adag oo kala reeba, xaq siiya, kala ilaaliya Soomaalida.
- Sidaa darteed, waxaan u aragnaa dhamaystirka dastuurka inuu yahay qaybtii ugu dambaysay oo u harsanayd dowlada Soomaaliya si ay toos ugu istaagto lugaheeda. Madaxweyne Xassan waa in uu geedkasta u koraa dhamaystirka dastuurka Soomaaliya, sidaasna wuxuu taariikhda Soomaaliya ka gali doonaa baal dahab ah.
2- Adkaynta, qalabaynta ciidamada amaanka ee sirdoonka qaranka
- Madaxweyne kastaa wuxuu balan qaadaa in uu wax badan ka qaban doono amaanka dalka. Waxaan u aragnaa in ay shaqada amaanka dalka u baahantahay daacadnimo. Haddii si dhab ah loo maal galiyo, waxaa hubaal ah in wax laga qaban karo amaanka dalka.
- Qalabaynta dhinaca ilaalada gaarka ah in laga fuliyo gebi ahaan magaalada Muqdisho (Surveillance). Ciidamada amaanka waa in ay haystaan indho u shidan 24-ka saac, kuwaas oo u sahli doona in ay luuq walba iyo guri walba oo Xammar ku yaalla la socon karaan.
- Maadaama Magaalada Xammar ay muddo aad u dheer ay ku milmeen nabad-diid, dowlada waa in ay ka dhigtaa magaalo 3-dii qofba, mid uu hay’adaha amaanka la shaqeeyo. Waan dareemi karnaa taas in ay xad dhaaf tahay, balse waxaad ogaataan in xaallada ee amni darro ay xad dhaaf tahay, sida kaliya loola dhaqmi karana ay tahay xaallado xad dhaaf ah.
3- Dhaqaalaha
- Dhaqaala xummida iyo shaqa la’aanta dalka ka jirta ayaa dhalinyarada badankooda ku kalifta in ay wadanka iskaga tahriibaan ama ay ku biiraan kooxaha nabad-diidka ah. Sidaa darteed, waxaan kula talinaynaa Madaxweyne Xasan Sheikh in uu ilaha dhaqaalaha tirada badan ee Alle nasiiyay mid ka mid ah in uu noo dilaaciyo. Wadanka waligiis kuma tiirsanaan karo dhaqaale dibadeed, qolo kasto oo wax noo ogolna waxay hoosta ku wataan shuruudo iyo dano gaar u ah. Si aan xoogaa uga kaaftoonno beesha caalamka, waa in aan helnaa meel dhaqaale adag naga soo galo.
- Kobci beeraha, fududeey dhoofinta dalaga si shaqo abuur baaxad weyn leh loogu helo dhamaan dhalinyarada wadanka.
- Dekeddaha wadanka qaabab kala duwan ayaa dhaqaale looga samayn karaa. Heshiisyo caalami ah ayaa lala geli karaa dowladaha noo dhaw dhaw oo aanan haysanin badda. Kenya dhaqaalaha ugu badan wuxuu kasoo galaa dekedda oo dhowr wadan wax kasoo dagsadaan. Soomaaliya waxay awoodaa wadan walba in ay dakad gooni ah ka ijaarato, oo magaalo dhanna ay ka ag dhisanto, dhaqaalo iyo shaqa abuurba ay ka helaan dadka deegaank ah.
- Ethiopia, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan ilaa bartamaha Afrika waan soo xiran karnaa. Waxaan ka heli karnaa suuq Soomaalida dhan u furan kuna xiran adduunka. Anaga oonan taabanin shidaalka dalka ku jira ayaan dhaqaale iyo awoodba ka dhalin karnaa badda uu Alle na siiyay.
F.G. Haddii aad ijaaratid baddaada, waa sida adigoo ijaartay gurigaaga, heshiisyo adag ayaad galaysaa, waxa kaliya aad ijaaraysid waa dekeddo oo ay iyagu dhisanayaan, waxaana ka hoos dhismi doona magaalooyin, gegiddo diyaaradeed, wadooyin, suuqyo, hoteello, iyo wax walba oo magaalo casri ah u baahan tahay. Aragtida dheer een ka leenahay ayaa ah danta guud ay sababta u noqonayaan mashruucyada noocan ah.
Talooyinkan kor ku xusan hadday Dowladdan cusub qaadato, waxaa hubaal ah in aan muddo kooban ku noqon doonno dal amaan ah, awood xiriir oo caalami ah leh, dhaqaalo xoogan sameeya, hoggaanka Afrikana qabta.