Kulamadii bar bar dhaca

Kulamadii ugu dambeeyay ee Arsenal ayaa dhaliyeen hadal hayn aad weyn, taas oo qaa badani ay ku dhaliilayeen qaab ciyaareedka ay kooxdu soo bandhigtay.

Aniga waxaan meesha ka dhex arkaa isku day cusub oo uu tababare Arteta la yimid kulankii ugu dambeeyay ee Atalanta. Waxaa marka hore muhiim ah in aan fahanno oon isku wada raacno in tartanka Champions League-ga uu ka duwan yahay kan Premier League.

Midda kale, Atalanta maahan koox la yareesan karo oo waxaad wada xasuusataan waxay ku dhigtay Liverpool oo Anfield joogta iyo fiinaalkii ay dhagaha u laabeen Bayer Leverkusen oo ahayd koox xilli ciyaareedkii ku dhamaysatay guuldarro la’aan oo taariikh cusub diiwaan gashatay.

Manchester City waxay qaadday Champions League ka dib markii ay qaab ciyaareedkooda wax badan ka badaleen. Champions League kubbadda ood haysato wax badan sida ay Man City u ciyaari jirtay laguma qaado, oo waxaad xasuusataan in Chelsea xittaa ay fiinaal ka qaaday. Possession game ama qaab ciyaareedka Arsenal iyo City ay Premier League ku ciyaaraan Champions League waa lagaaga adkaan karaa oo daafac adag inta lagaa xirto ayaa counter-attack lagaaga dhalinaayaa. Qaabkaas ayay Real Madrid ku qaadaa waligeed.

Arteta ayaa wuxuu rabaa in uu ka dhigo Arsenal koox qaab walba u ciyaari karta oo taatikada kulanka gudahiisa ku badalan karta. Arsenal ayaa kubbaddeeda ku dhisan waxa loo yaqaano positional play oo ay in nin walbaa lagu ogyahay meel ka mid ah garoonka in uu joogo xaalad kasto oo ay kubbaddu ku sugantahay. Matalan, markii Arsenal kubbadda laga haysto, Saka baalkiisa ayuu ka raacanaayaa ama ka difaacaayaa, haddii Arsenal kubbadda wadatana Saka meel baa lagu ogyahay, dhulkaas inuu soo jabsado.

Kulankii xalay maxaa ka duwanaa?

Inta falaanqayso kubbadda waxay u jeedeen in ay Arsenal tabaysay Kabtan Odegaard, balse aniga waxay ilatahay arrinka intaas keliya maahan. Xalay, waxay ciyaartoyda u dheelayeen qaab xorriyad ka muuqato oo ninba booskiisii lagu ogaa muusan ku ekaanaynin. Waxay sidoo kale isku dayayeen in ay kubbadda ay geeyaan weerarka iyaga oo isticmaalaya baasas dheerdheer, ogoow Arsenal waxay u badnaayeen in ay baasas gaagaaban kusoo dhisaan oo ay weerarka iyagoo wada socda tagaan. Xalay way ka duwanayd, baasaska final thirdka dhowr mar bay iskugu toostay oo mar waxaa fursad qasaariyay Martinelli, dhowr mar kalena baaska baan saxmin.

Dabcan Arsenal gadaal waxbadan maysan kasoo dhisaynin maadaam Atalanta ay ka mid yihiin kooxaha ugu adag dhinaca raacashada ama pressing-ka. Xiddiga Atalanta ayaa yiri ”Kulanka wuxuu ahaa sidii ciyaarta chess-ka” taas waxay ku tusinaysaa in ay ahayd ciyaar taatiko aad u sarraysa la isula soo baxay.

Champions League waxaad ka sugi doontaan Arsenal oo qaabab kale u ciyaari doonta gaar ahaan kulamada Away-ga ay yihiin. Arsenal ayaa counter-attack iyo daafacasho badan dheeli doonto si ay meel fog uga gaaraan tartanka Champions League.

Qaabka ay kooxda Real Madrid u ciyaarto ayaa ah qaabka ugu sarreeya ee guul looga gaari karo Champions League. Haddii aad u fiirsatid, Real Madrid kulamadooda Champions League-ga ee fiinaalda ama semi-finals-ka, difaacooda ayay meel ku gaaran. Man City oo weerarkeeda aad u sarreeya bay Etihad inta ay ugu yimaadeen bay kaga reebeen tartanka. Sababta maxay tahay baad is leedahay? Real Madrid ma in ay weerar culus la gasho Man City bay qorsheysteen? Waa maya. Howshooda waxay ahayd in ay difaacdaan, difaacaaga markuu adagyahay waxaad u baahantahay hal fursad keliya in aad gool ku dhashatid, koorno oo madax ku dhashatid keliya ayaad u baahan tahay.

Arsenal ayaa hadda u dhisan qaabka Real Madrid oo sahli doonto in ay qaadaan koobka dhagaweyne markii ugu horeysay taariikhdooda.

Leave a Reply