Waa maxay COVID-ka daba-dheeraada? Long-Covid
Covid19 uma baahna sharraxaad badan, intii uu Alle u qadaray in ay dunidan ka tagaan waxaa looga dhigay sabab. Inkastoo waayihiisii dambe uu ku jiro, waa cudur aysan dunidan casriga ah horay u arag, jilbahana dhulka u dhigay rag iyo dumar, wadamada adduunka oo dhan.
Talaal iyo tacab badan kadib, adduunka wuu kasoo kabsanayaa cudurka, balse dhibaatada uu ka geystay dhaqaalaha adduunka ayaa hadda u muuqata in cid waliba aya la daalaa dhacaysa. Inkastoo dagaalka Ruushka uu ku qaaday Yukreyn uu qayb ka yahay sicir bararka adduunka ku habsaday Covid19 kadib.
Waxaa jira Covid-ka daba dheeraada oo adduunka dad badani ay ka sheegtaan balse aanan wali ku arag hadal hayntiisa Soomaalida dhexdeeda.
Ma waxaan dhahnaa Soomaalida dhibaatadiisa ma qabaan, mise waxaa jirta aqoon yari ku aadan Covid-ka daba dheeraada. Hadda halkan ayaan kuugu sharxaynaa.
Dadkee qaba Covid-ka daba-dheeraaday?
Waxaa jira dad badan oo kadib markuu Covid19 ku dhacay, isbitaal u galay ama aan u galin hadana Alle ka badbaadiyay balse aan si buuxda uga bogsoonin. Dadkan ayaa qaarkood xisaabsada muddo 9 bilood iyo kabadan tan iyo intii uu ku dhacay cudurkan. Waxay wali dareemayaan sumadihii cudurka oo ay ugu weyn tahay Oksijiinta oo ku yar iyo neeftuur badan oo marar badan ka hor istaaga in ay qabsadaan howlaha caadiga ah. Sida in ay fuulaan jaraanjar, ama sameeyaan jimicsi iskaba daa in ay ordaan.
Baaritaanno walba oo ay takhaatiirta samaysa ayaa waxay ku guul daraysteen in ay fahmaan dhibaatadan haysata bukaanada noocan ah.
Nasiib wanaag, waxaa cilmi baaris toos loogu abbaaray arrintan laga howl galiyay wadanka Canada. Cilmi baaristan ayaa lagu qabtay shan goobood oo ku yaalla gobolka Ontario ee wadanka Canada.
Cilmi baareyaasha oo isticmaalaya farsamooyin kala duwan ayaa waxay ogaadeen arrinta in ay ka socoto sambabada oo uu Covid-ka wax-yeeleeyay.
Qalabka ay isticmaaleen waxaa ka mid ahaa MRI oo ah raajo meelaha aadka u fog fog ee jirka bani’aadamka wax ka arki karta, micnaha, xididada uu jirku leeyahay oo qalabkale aanan lagu arki karin ayaa loo isticmaalaa in lagu baaro qaabka ay u shaqeeyaan. Waxaad badanaa maqasheen CT scan, haddaba ogoow MRI aad buu uga sarreeyaa CT scan-ka.
Waa Maxay Cillada?
Takhaatiirta ayaa waxay ogaadeen in xididada sambabka ee dhiiga u gudbiya Oksijiinka aysan u shaqaynaynin sidii la rabay. Waxaa khaldan qaabka ay u gudbiyanayaan Oksijiinka uu jirka u baahan yahay. Sidaas darteedna, maskaxda ayaa amarada ay bixiso noqonaya in Oksijiinka uu yaryahay, qofkana ku qasabta in uu sii xoogan ama boobsiis ah uu u qaato ama u jiito neefta. Sidaasna qofka uu u neeftuurayo, daalkana meeshaas ayuu qofka uga imaanayaa, waxaana adkaanaysa in qofku qabsado howlaha caadiga ah.
Grace Paraga oo ah cilmi baare, ahna gudoomiyaha xarunata baaritaanada sambabada ee Jaamacada Western University ayaa sheegtay in cilladan ay sharxayso sababta ay dadka uu Covid-ka ku daba dheeraaday ay ugu yartahay neefta. “Tani waxay caddeyn u tahay in jirka uusan sidii la rabay u gudbinaynin ama u wareejinaynin Oksijiinka qofka u baahan yahay”.
Cilmi baarista ayaa waxaa ka qayb-qaatay 34 qofood oo la tacaalayay Covid-ka daba dheeraaday.
“Hadday isbitaal u jiifteen Covid iyo haddii kaleba, Bukaanadan ayaa isku qaab u xanuunsan. Natiijooyinkii aan helnay intay ka qayb-qaadanayeen cilmi baarista ayaa noqdeen isku mid. Dhamaantood neefta ayaa ku yaraaneysa markii ay qabtaan howlaha culus, Oksijiinkoodana hoos ayuu u dhacayay. Waxaana ka ogaannay baaritaanada fudud sida in aan fiirino faraha foodooda oo laga garan karo Oksijiinka qofka inuu ku yar yahay iyo in kale.”
Waxay Grace kusoo gunaanday in ay hadda haystaan meel ay u raacdaan dhibaatadan. Inkastoo ay wali u baahan yihiin wax badan ka ogaadaan qaabka uu cudurkan u shaqeeyo, balse hadda waxay ugu yaraan haystaan meel ay wax ka bilaabaan si ay ugu howl galaan sidii daawo loogu heli lahaa dadkan.