Waa maxay DeepFake?
Deepfake waa aalad ku shaqaysa tiknoolojiyadda macmalka taas oo loo isticmaallo soo saaridda arrimo been abuur ah balse aad run ugu eg. Erey ahaan Deep Fake micnaheeda waa ”Been abuur qoto dheer ah leh”
Caqliga macmalka cusub ayaa si xowli ah kor ugu qaaday tayada aaladaha loo isticmaalo samaynta been abuurka qotoda dheer, waxaana sii adkaan doonta in aad kala garatid wixii been ah iyo wixii run ah.
Deepfake ayaa waxay suurto gelisay in muuqaallo iyo codad been abuur ah laga sameeyo qof aan waxba ka ogeyn, balse dad badani ay ku sirmaan, runna u qaataan muuqaalka ay daawadeen ama codka ay dhagaysteen.
Khubaro badan ayaa ka digaya dhibaatada ka imaan karto caqliga macmalka ah haddii ay adeegsadaan dadka sameeya falal dambiyeedyada.
Artificial Intelligence ama caqliga macmalka ayaa maraya marxalladdiisii ama xilligii dhallaanka, waxayna dad badani ku abuurtay wel wel ku aaddan baaxadda awoodda uu yeelan karo iyo ciddii maamuli lahayd.
ChatGPT iyo Midjourney
Bilihii ugu dambeeyay ayaa adduunka ku baraarugay caqliga macmalka ah ka dib markii shirkadda OpenAI ay soo saartay ama soo bandhigtay aaladda caqliga macmalka noocii ugu casrisanaa abid oo magaceedu yahay ChatGPT.
ChatGPT ayaa muujiyay tabarta uu u leeyahay in uu xaliyo xaalado badan oo kala duwan taas oo soo jiidatay indhaha caalamka oo dhan. Waxay sidoo kale albaabka u furtay in ay dadku bartaan barnaamaj kale oo magaciisu yahay Midjourney. Midjourney wuxuu ku shaqeeya caqliga macmalka ah, waxaana loo adeegsadaa soo saaridda sawirrada.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa caan baxay sawir muujinayay baadariga ugu weyn diinta kirishtanka Pope Francis oo xiran Jaakeed ay samaysay shirkadda Balenciaga.
Sawirkan ayaa dad badani aamineen inuu run yahay maadaama uu aad ugu eg yahay mid run ah. Balse, haddii aad si fiican u fiirisid, waxaad arkeysaa waxyaallo aan caadi ahayn. Sida, faraha gacanta uu alaabta ku sito oo caadi u muuqanin, silsilada calaamadda istilaabta oo hal dhinac ka maqan balse u eg in ay si fiican ugu xiran tahay baadariga.
Sawirkan ayaa aad loogu sirmay, waxaana la leeyahay waa sawirkii ugu horreeyay oo been abuur ah balse malaayiin qofood ay run in uu yahay ay u qaateen.
Sidoo kale, waxaa lasoo daayay ama la baafiyay sawirro muujinaya madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trumpl oo ay xirayaan askar Ameerikaan ah. Tani waxay timid ka dib markii uu shaaciyay Trump in la xiri doonno, maadaama maxkamadayn culusi ay ku socotay sanadihii ugu dambeeyay.
Sawirkan kore ayaa ka mid ah kuwa muujinayay Trump oo ay askari qabanayso. Sawiradan ayaa waxaa lagu soo aadiyay xilli ay maxkamadayn ku socotay Trump ay marayeen gabo gabo, kuwaas oo u muuqday in ay dambiyo waaweyn ku heleen Trump.
Maamulaha Guud ee Midjourney ayaa sheegay in ay soo af jarayaan qaabka tijaabada lacag la’aanta ah oo ay dadku u isticmaalayeen barnaamajka Midjourney. Wuxuuna sheegay sababta in ay tahay dalabka oo aad u batay iyo dad badan oo si aan la ogoleyn ama munaasab ahayn u isticmaalay Midjourney.
Barnaamajyada caqliga macmalka ah maahan hal iyo laba, aad ayay u badan yihiin, shirkadaha waaweyn oo dhan waa ah leeyihiin.
Suuqyada madoow ee internetka waxaa ka jira barnaamajyadan oo hab ama nooc dambiyeed loo isticmaalo. Waxaana ka mid ah, in qof wajigiisa inta lasoo koobiyeeyo ka dib na la dul saaro filimaanta anshax xumada lagu sameeyo.
Cabsida ugu badan uu keenayo caqliga macmalka ayaa ah in qofka wajigiisa si walba ama noocii la raba loo isticmaali karayo. Ilaahay shartiisa hanaga bad baadiyo.