Baasaboorka Soomaaliga iyo waddamada xushmeeya
Dhaq-dhaqaaqa ama socdaalka bulsho ayaa qayb wayn ka noqda koboca horumarka iyo waayo aragga ay bulshadaasi hesho. Soomaalida ayaa asalkoodu yahay reer guuraa, kuwaas oo mar waliba raadiya meel ay barwaaqo ka jirto si ay iyaga iyo xoolahooduba u helaan nolol wanaagsan.
Dhaqanka guuraaga oo aasaasiga u ah bulshada Soomaalida ayaa caado u ah in iyaga oo ilbax ah, magaalana ku dhaqan, haddana mar waliba waxay raadiyaan meelba meesha uga sii fiican.
Dagaaladdii iyo dowlad la’aantii mudada dheer qaadatay ayaa aad u saamaysay baasaboorka Soomaaliga ah, waxaana aad ugu adag Soomaalida haysata in ay meesha ay doonaan dunida ka aadaan ama kaga noolaadaan.
Balse, indhaha aad ugama xirna baasaboorka oo waxaa jira dhowr wadan oo soo dhaweeya.
Inta aanan guda galin wadamadan, waxaan rabnaa inaan kala saarno Visa Free iyo Visa on Arrival.
Waa maxay Free Visa?
Waa marka aadan u baahnayn in viisa aadan dalbanin, lacagna ku bixinin. Waxaad toos ugu duulaysaa wadanka aad u socotid, waxaana laguugu dhufanayaa soo galid kaliya. Taas oo muujinaysaa inta maalin aad joogi kartid, waxay noqon kartaa 30 casho ama 15 casho, waxay ku xiran tahay heshiiska wadamada dhex yaala.
Waa maxay Visa On Arrival?
Midkan waa viisaha aad ka gadatid markaad kasoo dagtid wadanka aad usoo duushay. Waxaad viisaha ka gadanaysaa wadanka aad kusoo dagtid. Wuxuu la mid yahay nooca aan kor kusoo sheegnay oo ah in aadan u baahnayn in aad visa dalbatid ood sugtid. Tikit kaaga ayaad jaranaysaa, waxa kaliya lagaa rabo waa in aad diyaarsatid lacagta aad ku gadan kartid viisaha wadanka aad u socotid.
Malaysia
Malaysia waa wadanka kaalinta koowaad kaga jira kuwa ugu muhiimsan ee baasaboorka Soomaaliga lagu tagi karo adiga oon wax viisa ah aadan u baahanin.
Viisa la’aanta waxaad ku heleysaa hal bil oo kaliya, waxaadna u joogi kartaa dalxiis aad ku booqan karto jasiiradaha caanka ah iyo guud ahaan wadanka oo dhan.
Djibouti
Djibouti waa wadan Soomaaliyeed, qayb wayn ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya. Faaiidada kujirta in aan Baasaboorka Soomaaliga ku tagno jabuuti maahan mid sharraxaad badan u baahan.
Ethiopia
Wadan sida Jabuuti camal ah oo ay ku dhaqan yihiin malaayiin Soomaali ah, calaaqaad ganacsina ka dhexeeya, muhiimad wayn ayee u leedahay in qofka Soomaaliga uu tagi karo markuu u baahdo isaga oo aan visa dalab ah u baahanin. Waa Visa On Arrival oo waxaad iibsanaysaa markaad ka dagtid garoonka Addis Ababa.
Ethiopia ayaa albaabaha u furtay Afrika oo dhan, sidaas ayayna Soomaalidana kaga faaiidaysteen. Waxaan xasuusanaa in ay Soomaalida wadata Baasaboorka Soomaaliga ay muddo ka qaadan jirtay si ay u helaan dal ku gal ka Ethiopia.
Rwanda
Wadanka Rwanda ayaa bilawgii sanadka 2018 baahiyay in uu dhamaan wadamada Afrika u fasaxay in ay kusoo galaan Visa On Arrival.
Rwanda waa wadan dhaqaalihiisa si xowli ah ku kobcaya waxaana jirta fursado badan oo ganacsi ay Soomaali badani ka faaiidaysan karaan.
Ghana
Wadanka Ghana ayaa ka mid ah kuwa ugu dhaqaalaha badan wadamada Afrika ee dhaca waqooyiga qaarada. Waxay sidoo kale hirgaliyeen isu socodka shuruud la’aanta ah ee Afrika, iyaga oo noqday wadankii ugu horeeyay ee Afrika dhan albaabada u furay, waxaana lagu tagi karaa Visa On Arrival.
ETA -eVisa – Sri Lanka
Sri Lanka waa waddan yar oo jasiirad ah, wuxuu deris la yahay dalka Hindiya, wuxuu sidoo kale u dhow yahay dalka Maldives.
Waddanka Sri Lanka ayaa wuxuu sidoo kale soo dhaweeyaa muwaadiniinta wataan baasaboorka Soomaaliga. Waxaa keliya looga baahan yahay Soomaalida in ay online ka dalbadaan visaha dalka Sri Lanka oo sidoo kale loo yaqaano Electronic Travel Authorisation, lacagta visaha ayaa sidoo kale bixinaysaa markii aad dalbanaysid. Waxaana laguugu soo diraayaa email-kaaga muddo ilaa 3 maalmood ah. Waxaa suurtogal ah in aad heshid isla maalinta aad dalbatay.