Markale kusoo dhawoow Dadka Online.

Waxaan ku nool nahay dunida ugu casrisan ee taariikhda adduunka soo marta.  Waxaana suurtogal ah in aad qabsatid howlo badan adiga oo aan u marin wax dhib ama rafaad ah. Horumarka ugu weyn waxaa inoo sahlay Internetka, waxaana ka faaiideysan kara qof walb oo awoodo in uu isticmaalo.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada sida xoowliga ah u isticmaala internetka iyo baraha bulshada. Baraha bulshada ayaa leh faaiido iyo khasaaro inkasta oo faaiidadiisa ay noqon karto mid aad uga badan khasaaraha, waa hadii loo isticmaalo sida ugu fiican.

Internetka ayaa si bilaash ah uga heli kartaa aqoon, cilmi iyo farsamo aad ku shaqaysan kartid muddo yar kadib.

Halkan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa laba website oo kuu sahlaya in aad bilaawdid xirfad cusub, muddo yar kadibna aad ku shaqaysatid.

Qorshaha aan halkan kuugu haayo ayaa si dhab ah kuugu sahli karo in aad baratid xirfad aad ku shaqaysan kartid. 

Qorshahan waa uu kuu rumoobi karaa ee si fiican u akhriso.

Xirfada aan kuu hayno waa Graphic Design

1- Youtube

Soomaalida ayaa aad u isyicmaasha youtubeka iyagoo sida caadiga ah ba ka daawada warar, diin, heeso iyo madadaalo kale.

Balse ma ogtahay youtube in uu yahay macallin bilaash ah?

Youtube waxaa ku jira kumanaan fiidiyoow oo ah kuwa loogu tala galay in aad ka baratid xirfadaha ugu badan ee loo baahan yahay. Nooc walba oo aad u baahan tahay waad ka baran kartaa adigoo la soconaya macalimiin aqoon iyo khibrad u leh xirfada aad jeceshahay.

Inkasta oo luqada ingiriiska ay ku baxaan barashada (tutorials) xirfadaha, waxaad heli kartaa macalimiin Soomaali ah oo ku faraxsan in ay si aad u heer sarraysa kuu baraan xirfadaha aad xiisaynaysid.

Aqoon kororsiga youtube ayaa aad iyo aad u baaxad weyn. Adiga oo gurigaaga jooga ayaa waxaad wax ka baran kartaa howlaha adduunka ka socda oo laga yaabaa in aysan qaab kale abid kuugu suurtageli karin in aad ogaatid. Nasiib wanaag waxaa jira kanaallo dhalin yaro Soomaali ahi isku howleen in ay idiin  soo gudbiyaan dhacdooyinka ugu xiisaha badan adduunka.

Waxaad isku daydaa in aadan wakhtigaaga youtubeka uusan kaaga wada bixin daawashada arrimaha soomaalida iyo siyaasada. Kuwaas oo aan baranay ama ogaanay badanaa in aan wax faaiido leh oo maskaxda koriya lagu soo bandhigin.

Youtube waa macallin aan kaa rabin lacag, aan kugu xiraynin wakhti oo mar walba diyaar kuu ah in aad ka faaiidaysatid.

2- Canva

Canva waa website waxyaallo fara badan qabta oo faaiidadiisa ay aad u weyn tahay, isticmaalkiisana uu sahlan yahay. Canva waxaa lagu sameeyaa graphic designs oo ah naqshadaynta sawirada iyo warqadaha loo isticmaallo xayeesiisyada. Waxaa kale uu qabtaa jar jaridda muuqaallada oo waliba aad laguugu fududeeyay.

Canva ayaa ah bilaash balse waxaa uu leeyahay qayb Canva pro la yiraahdo oo bishii lagaa qaadayo lacag yar, kadibna laguu fasaxaayo dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay.

Cinwaanka: canva.com

Xageen ka bartaa?

Canva waa barnaamaj awooddiisu sarrayso oo kuu sahlaya in aad ku shaqaysato xittaa adiga oo isticmaalaya taleefan kaaga.

Sida loo isticmaallo waxaad ka baran kartaa Youtube. Waa kuwan dhowr videos oo Soomaali ay ku barrayso.

Kanaalkan koowaad waxaa ku baraysa gabar, kanaalkana waxaa la dhahaa simaneey. Waxay ku tusaysaa sida looga isticmaallo kumbuyuutar.

Kanaalkan xiga waxaad ku baranaysaa sida canva looga isticmaallo moobilkaaga.

 

Sideen ugu shaqaystaa?

Markii aad dhamaysatid barasha Canva, waxaad heshay xirfad aa ku shaqaysan karto.

Canva waxaad ku qaban kartaa howlahan:

  • Boroshuurada – Warqadaha yar yar ee xayeesiiska – Shirkadaha, iskuullada, ganacsatada
  • Loogooyinka – Iskuullada, ganacsatada, hay’adaha iyo dhamaan shirkadaha
  • Sawirada farshaxanka
  • Boostarada (Warqadaha sawirada leh) – Dhamaan xayeesiimaha
  • Boostarada Facebook
  • Youtube Thumnail (Sawirka hore ee muuqaallada youtubeka)
  • Jar jarrida muuqaallada

 

Xirfadaha online-ka lagaga shaqaysto waxaa u badan graphic design, waxaanna halkan kuugu soo bandhignay sidii aad ku baran lahayd xirfadan oo bilaash ah.

Haddii aad danaynaysid, waxaan kuugu dhiirigelinaynaa in aad horay u guda gashid barashada xirfadan.

 

 

You may also like

Leave a Reply